X
    Categories: Warar

SOLJA oo ku Eedeeyey Xukuumadda Somaliland inay Dagaal Kula Jirto Xorriyatul-qawlka iyo Saxaafadda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dagaal kula jrto xorriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida warbaahinta.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) soo saaray xalay, kaasoo u qornaa sidan:
“Ururka Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA waxa uu walaac weyn ka qabaa tallaabooyinka isa soo taraya ee ay xukuumadda Somaliland ku cabudhinayso madaxbannaanida saxaafadda iyo xorriyatul-qalka, iyadoo falalka ka dhanka ah muwaadiniinta ee xabsiyada loo dhigay iyo kuwa dacwaduhu ku socdaanba tahay kuwo dhaawac ku keeni kara Dastuurka Somaliland, qodobkiisa 32aad iyo Xeerka Saxaafadda 27/2004.
Ururka SOLJA isagoo ka duulaya masuuliyadda saaran sida ku cad Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka ururkaba waxa uu u arkaa dhallinyarada u xidhan xorriyatul-qalka, isla markaana lagu haysto gudbinta fikirkooda ku aaddan heshiiska Dekedda Berbera inay tahay cabudhin.
Sidoo kale, Ururka wuxuu cambaaraynayaa culayskii ciidammada boolisku ku hayeen madashii dhallinyaradaasi ku hadlaysay oo ay wariyayaashii wax ka duubayey cabsi darteed kaga fakadeen ciidammada, iyagoo ka daatay dayrka dambe ee hudheelkii xafladdu ka socotay, kuwaas oo ay u suurtogashay inay sii daayaan fikradaha ay dhallinyaradaas u xidhan yihiin.
Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu u arkaa wariyayaashii Berbera loogu xidhay baahinta fikirkii xubin ka tirsan xildhibaanka Golaha Degaanka Berbera inay sii socoto, isla markaana marayso in wargeyska Foore iyo wargeysyada kale ee dacwaduhu uga socdaan maxkamadaha ay tahay fal ka hor imanaya dammaanadda uu Dastuurka Somaliland siiyey saxaafadda iyo muwaaddiniinta kala duwan.
Ururka SOLJA waxa uu ku dhaliilayaa xukuumadda Somaliland inay gabi ahaanba horistaagtay ilo-wareedyadii warbaahintu xogta ka heli lahayd, sida ku cad heshiisyada ay la soo galayaan shirkaddaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ahba amma uu Maareeyaha Dekedda Berbera u sheegay saxaafadda markii ay weftigoodu ka soo noqdeen Imaaraadka Carabta.
SOLJA waxay u aragtaa in dhallinyaro fikirooda ku cabbiray warbaahin ay muddo dheer xabsiga ugu jiraan, iyadoo ay wasiirrada ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo ka tirsan xukuumaddu warbaahinta u marinayaan eedo aan jirin, halka aan illaa hadda wax eed ah la hor-gayn garsoorka.
Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay xorriyadooda u soo celiso dhallinayaradaasi xidhan, isla markaana joojiso wax kasta oo ka dhan ah xorriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post