X
    Categories: Warar

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Djibouti Iyo Imaraadka Carabta

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdi uu horkacayo ayaa u baqoolaya labada dal ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Socdaalka Jabuuti, Madaxweynaha, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdiga weheliyaa waxay kaga qaybgalayaan caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ee dib loogu doortay xilka, kuna qabsoomaysa xarunta dalkaasi ee Jabuuti Axadda, 08/05/2016.

Ka-qaybgalka Madaxweyne, Axmed Maxamed Siilaanyo ee caleemo-saarka walaalkii Geelle, waxay ka dambaysay martiqaad rasmiya oo ay Madaxweynaha u soo gudbisay Dawladda Jabuuti.

Martiqaadka rasmiga ka sokowna, Jamhuuriyadda Jabuuti waa dal aynu mataano nahay, isku dad nahay, xidhiidh walaaltinimo oo maguuraan ahi dhexdeena yaal, farxadoodu waa farxadeenna.

Xubnaha Madaxweynaha u raacaya Dalka Jabuuti waa:

Marwada 1aad ee Qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Cali Axmed Cali, Guddoomiyaha iyo murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka, Mudane, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska, Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).

Baqoolidda Madaxweynaha iyo wefdiga la socda ee Jabuuti waa 07.05.2016. Markay soo dhamaystaan caleemo-saarkana Dalka ayey ku soo guryo noqonayaan, Insha Allaahu, iyagoo ka dibna u diyaar garoobi doona safarkooda dhinaca Imaaraadka Carabta.

Booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa ee Imaaraadka, waa booqasho rasmiya, waxaana martiqaadka u soo diray, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Raiisal Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Dubai, Amiir Muxammed Bin Raashid Al Maktuum.

Isutagga Imaaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka dhexeeya xidhiidh cuddoon, muddooyinkan dambana sii xoogaysanaya, dan-wadaagga ganacsiga iyo dhaqaaluhuna yahay halka ugu sarreysa xidhiidhkaasi.

Socdaalka hadda ee wefdiga Madaxwaynuhu gadhwadeenka ka yahay yoolkiisu waa imaaradda Dubai, midhaha ka dhasha kulanka labada geesoodna, waxa diiraddiisu saarnaan doontaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaan Saaxil, siiba magaalo marseedkeenna Berbera, oo la doonayo inay xuddun u noqoto isku xidhka Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika, marsooyinka gobolkana la tartanto ama ka horreyso. Waxa wax laga qabanayaa, haddii Allah yidhaahdo, korontada Magaalada Berbera, madaarka, kastamada, dhinaca Dalxiiska, shaqo abuurka, tababarro shaqaalaha Dawalddu ka heli doonaan Imaaraadka, kuna jirto kordhinta maamul wanaaggu, iyo guud ahaanba mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Masuuliyiinta ka mid ah wefdiga Madaxweynaha ee Imaaraadka, waxa ku jira:

Marwada 1aad ee Qaranka, Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Mudane, Cumar Sh. Maxamed Faarax, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha. Hore waxa ugu sugan Imaaraadka Carabta, Wasiirka Arrimaha Dibbedda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), iyo Maareeyaha Marsada Caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.

Safarkan Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu ka mid-yahay safarrada Xukuumaddu dededaalka ugu jirto sii xoojinta xidhiidhka, ganacsiga, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha ee labada waddan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post