X
    Categories: Warar

Siyaasiyiintii Isbahaysiga KULMIYE Oo si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga WADDANI Iyo Qorshayaasha Laysla Qaatay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Xubnaha siyaasiyiinta la baxay Isbahaysiga KULMIYE ee iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaano, ayaa si rasmi ah u caddeeyey inay ku biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaddib wadahadalo labada dhinac muddo u socday oo natiijadoodu noqotay inay isla qaataan heshiis awood-qaybsi lagu shaacin doono xaflad caasimadda Hargeysa lagu qaban doono maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 9 October 2016.
Masuuliyiinta sare ee WADDANI iyo Afhayeenka kooxda isbahaysiga KULMIYE oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey in la soo gunaanaday wadahadalkii labada dhinac u socday muddooyinkii u dambeeyey, la iskuna afgartay in xubnahaasi si rasmi ah uga mid noqdaan xisbigaas.
“Waxa socday wadahadal u socday xisbiga WADDANI iyo garabka isbahaysiga ee xisbiga KULMIYE oo ahaa madax ka mid ahayd xukuumadda iyo xisbigaba, waana la soo gunaanaday, heshiis iyo mabaadii’ guud ayaan isla qaadanay, waana laga heshiiyey awood qaybsiga (saami-qaybsiga), wixii lagu heshiiyey oo rasmi ahna Axadda ayaa la soo bandhigi doonaa, mana doonayo in aan ka hordhaco.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Xogo bannaanka u soo baxay, ayaa tilmaamay in waxyaabaha lagu heshiiyey ay ugu muhiimsan yihiin in Wasiirkii hore Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan uu noqdo hoggaamiyaha WADDANI, halka Md. Cabdiqaadir Jirde noqonayo Guddoomiyaha xisbigaas, sidoo kalena Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) loo dooranayo murrashaxa jagada madaxweynaha.
Hase yeeshee, Guddoomiye Cirro oo arrintaas la weydiiyey ayaa ka gaabsaday inuu sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey qaabka loo qaybsaday awoodaha xisbigiisa WADDANI iyo waxa ka jira in la isla qaatay in la magacaabo hoggaamiyaha xisbiga, Guddoomiyaha xisbiga iyo murrashaxa xisbiga, waxaannu xusay in arrimahaas lagu soo bandhigi doono xaflad ballaadhan maalinta Axadda ee soo socota.
Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in heshiiska xisbigoodu la galay garabkii Isbahaysiga KULMIYE uu yahay guul u soo hoyatay xisbiga, shacabka reer Somaliland iyo bulshada jecel in isbeddel ka dhaco dalka.
Afhayeenka kooxda la baxay isbahaysiga KULMIYE Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isna saxaafadda u caddeeyey inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
“Wadahadallo muddo dheer u socday xisbiga WADDANI iyo isbahaysiga dimoqraadiyad-doonka ah ee KULMIYE, dedaal dheer kadib, waxa la soo gaadhay maanta in la gaadho heshiis rasmi ah, kaasoo mucdiisu tahay in garabkii isbahaysiga KULMIYE uu si rasmi ah ugu biiro xisbiga WADDANI.”
“Dhammaan xubinihii aannu wakiilka ka ahayn ee isbahaysiga KULMIYE iyo taageerayaashoodaba waxa aannu ogaysiinaynaa in laga bilaabo maanta (05/10/2016) in garabkaasi uu si rasmi ah ula midoobay xisbiga WADDANI, yahayna garab ka tirsan WADDANI,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post