X
    Categories: Warar

Siyaasiyiinta Kooxda La Baxday Madasha Oo Dacwad Ka Gudbiyay Sharciyadda Guurtida Iyo Go’aamadooda Muddo Kordhinta


Hargeysa(ANN)-Kooxda la baxday Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa ka dhawaajiyay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Golaha Guurtida Somaliland iyo Sharciyadda uu waqtigan ku shaqeeyo.


Dacwadda kooxda Madashu u gudbiyeen maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, waxay ku xuseen in golaha guurtida oo ay ku tilmaameen mid an sharci ahayn oo mudadiisii dhammaatay uu muddo-kordhin laba sannaood ah u sameeyay dhowaan markii lixaad golaha wakiillada Somaliland laba sannadood, isla markaana iyagu isu kordhiyeen muddo saddex sannadood ah Nov 24th, 2019.

Kooxda Madasha dacwadda ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa saacado qaatay, kaas oo Albaabbada loo xidhay, waxaana markii uu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac oo faah-faahin ka bixiyay ujeeddada ay go’aankan dacwadda ah u qaateen iyo waxa ku kalifay inay dacwad ka gudbiyaan golaha guurtida oo ka mid ah Hay’addaha ugu sareeya qaranka.


“Waxay ahayd in sharciga siyaasadu uu shaqeeyo oo muranka axsaabtu uu dhammaado, golayaasha waqtigooda lagu doorto oo muwaadiniinta sugaysaa siyaasada iyo kursiga la wadaago, taasina way fashilantay, waxaan markaa is nidhi, dariiqa keliya ee bannaani, sida asxaabtana mudaharaad u yeedhimayno ee waxaanu u eeranay maxkamadda sarre Maxkamadda Distooriga ah inay dib u eegto go’aamadan ay gaadhayaan golaha guurtidu oo 22 sanandoo ay noqonay marka lagu daro mudadan hadda loo kordhiyay, waxay ahayd inay Afar gole guurti is bedelaan.

Maxkamaddana waxaan u gudbinay guurtida iyo sharciyadeeda iyo go’aankan ay gaadheen ee muddo kordhinta.” ayuu yidhi, Xasan Guure Jaamac oo ka hadlayay dacwadda ay u gudbiyeen maxamadda sarre ee Somaliland.

AKHRI: Muddo Kordhinta Markii Lixaad Guurtidu Ku Duugtay Iyo Dhawaaqa Mucaaradka Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post