X
    Categories: Warar

Siyaasiyiinta Isbahaysiga Ee Ka Goostay KULMIYE Oo Shaaciyay Xubno Guddi Uga Qaybgala Wadahadalo U Socda Xisbiga Mucaaridka Ee WADDANI

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Kooxda Siyaasiyiinta isku urursaday gaarka ee la baxay isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka KULMIYE, ayaa shaaciyay xubno ay u qorsheeyeen inay uga qayb galaan wadahadalo mudooyinkan u socday Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Guddida oo ka kooban shan xubnood oo ka tirsan kooxda siyaasiyiinta, yaa loo qorsheeyay inay noqdaan guddi wada hadal rasmi ah la bilaabi doonta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Wadahadalo mudooyinkii u danbeeyay u socday Kooxda siyaasyiinta Isbahaysiga iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI, ayaa sababay inay labada dhinac ku heshiiyaan in la Magacaabo, iyadoo dhinac walba shan xubnood u magcaabayo si ay uga qaybgalaan wada hadal rasmi ah oo dhexmara labada dhinac.

Xubnaha guddida siyaasiyiinta Isbahaysiga la baxay Dumuqraayid doonka ee KULMIYE, ayaa kala ah, Xuseen Axmed Caydiid , Faarax Cilmi Geedoole, Cali Cabdi Saa’iq, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali.

Siyaasiyiinta isbahaysiga oo intooda badani ahaa wasiiro shantii sanadood ee u danbeeyay hoggaanka u hayay Xukuummadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen maalmo ka hor markii uu soo dhowaaday shirkii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagu doortay musharaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa doorashada la filayo in ay Somaliland ka qabsoonto 2017, iyadoo shirkaa golaha dhexe oo sanadkii ina dhaafay lagu qabtay Huteelka Maansoor lagu doortay inuu Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi noqdo musharaxa Madaxweynaha, halka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici loo doortay inuu noqdo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka marka la gaadho doorashada madaxtooyadda ee 2017.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post