X

Siyaasiyiin Iyo Khabiiro Ka Socda Shanta Soomaaliyeed Oo Gorodda Is Geliyay Dooddo La Xidhiidha Mustaqbalka Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Gobolka

Araweelo News Network.

Djibouti(ANN)-Siyaasiyiin, khabiiro iyo Aqoonyahan ka socda shanta Soomaaliyeed, Somalia, Somaliland, Djibouti, NFD Kenya iyo Soomaalida Ethiopia, aya isku waajahay doooddo la xidhiidha mustaqbalka bulshada Soomaalida iyo sidii u muujin lahaayeen dhaqaalahooda, cuddudooda iyo caqligooda,

Dooddaha ayaa lagaga hadlay arrimo baddan oo ah mawaadiic xaasasi ah, kuwaas oo lagu faaqiday doorka Bulshada Soomaalida ee geeska Afrika.

Mawaadiicda ayaa ahaa kuwo lagu qaadaa dhigay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee  uu qabanqaabiyay machadka Heritage ee toddobaadkan lagu gunaanaday caasimadda dalka Djibouti.

Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qaar badan oo ka mid ah haldoorka Soomaalida oo ka kala yimi Kenya, Somalia, Somaliland, Ethiopia iyo Djibout oo martigelisay shirkaa, ayaa muddadii uu socday Isniintii ilaa Khamiistii, waxa lagu faaqiday mushkiladdaha gobolka iyo mustaqbalka Soomaalida.

Dooddaha, ayaa si weyn loogu muujiyay isbedelada dhaqan dhaqaale, collaadaha iyo mushkiladdaha kale ee ka taagan mandaqasda, iyadoo khubaarda qaarkood saadaaliyeen khaatrta kusoo fool leh gobolka iyo sida aannay bulshadda Soomaalidu waxba ugala socon, ama aannay u jirin istiraatiijiyad iyo qorshe uga yaala, maadaama aanay Soomaaliya ka jirin xasilooni iyo nidaam dawladeed cagihiisa ku taagan.

Somaliland oo aan weli dunida ka helin aqoonsi caalami ah, ayaa noqotay tusaale wanaagsan oo maddasha lagu majeertay,Djibouti ayaa sidoo kale la amaanay, wallow aan laga dayrin Soomaalida Kenya, balse xaaladda ka jirta dalka Ethiopia ee collaadaha sii socda ayaa calaamatu su’aal geliyay mustaqbalka Soomaalida Ethiopia, iyadoo dhinaca kale lagu iftiimiyay dooddaha in gebi ahaanba dagaalka ka socda Ethiopia uu khatar weyn ku yahay xasiloonida iyo deganaanshaha gobolka.

Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in Bulshada Soomaalidu la timaado qorshe iyo diyaargaraw mustaqbalka ah iyo in layska kaashado dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga oo la yeesho qayim guud iyo wax ay ku midaysan yihiin oo ka dhexeeya iyagoo kala daawladdo ah, si ay u umuujiyaan cuddudooda iyo caqligooda.

 Ka qaybagalyaasha, ayaa si weyn ugu dheeraaday in loo baahan yahay sidii loo darsi lahaa duruufaha iyo mustaqbalka gobolka geeska Afrika ee qalalaasuhu naafeeyay.

Dooddaha Laysku Waajaahay Halkan Ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post