X

Siyaasiga Xirsi Oo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Loo Doortay Iyo Lix Ku Xigeen

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), Guddoomiyaha la doortay Xirsi Cali Xaaji xasan, murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee WADDANI, Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Guddoomiyiha Shirka hagayay, Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Image Araweelo News Network, Hargeysa, 16, November 2021.

Araweelo News Network.

Hargysa(ANN)-Shirweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa maanta doortay hoggaanka Xisbiga hagaya shanta sannadood ee soo socda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo shalay maddasha ka caddeeyay in aanu u sharaxnayn jagada Guddoomiyaha, balse uu yahay murrashaxa Madaxweynaha ee doorashada 2022, iyo masuuliyiinta kale ee hoggaanka Xisbiga, ayaa ku sugnaa gunaanadka maanta ee shirka oo galay maalintii labaad.

Ergooyinka maddasha fadhiyay oo gaadhayay 1300 oo ka kala yimi gobollada dalka, ayaa guddoomiyaha cusub ee xisbiga higgaaminaya shanta sannadood ee soo socda cod aqlabiyad ah ugu doortay Xirsi Xaaji Cali Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socda, ayaa loo doortay inuu noqdo khadar Xuseen Cabdi, iyadoo cod aqlabiyad ah loogu doortay.

Jamaal Jamaac Xaamud ayaa loo doortay inuu noqdo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Ergooyinka Xisbiga WADDANI oo fadhiya shirweynaha labaad ee lagu doortay hoggaanka, maalintii labaad Hargeysa, 16 November 2021, Image Araweelo News Network.

Shirweynaha, ayaa lagu doortay Guddoomiye iyo Lix guddoomiye ku xigeen, iyadoo xubin ka mid ah loo doortay Marwo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe) oo u sharaxnayd xilka guddoomiye ku xigeenka.

Saleebaan Ducaale Jaamac , ayaa ergada shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu ka mid noqdo Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, waxayna ergada shir weynaha Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu kamid noqdo Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Sidoo kale, Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji, Abiibakar Good, iyo Xuseen Cabdi Boos, waxayna cod aqlabiyad ah ugu ansixiyeen ergadu shirweynahu u doorteen inay ka mid noqdaan Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI oo maanta lasoo gebagebeeyay, waxa hoggaaminayay oo gunaanadiidka shahaado sharraf-yo lagu maamuusay shirguddoonkii, kuwaas oo kale ahaa Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), Axmed Xuseen Fagfagaash, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun,Maxamed Sidiiq Dhamme.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post