X
    Categories: Warar

Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Aanay Somaliland Ka Go’in Soomaaliya Fariina U Diray Siyaasiyiinta Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ka ah geyiga Soomaalida, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee dhowaan kasoo laabtay mabda Soomaali weynta ee ay aaminsanaayeen, ayaa uga digay siyaasiyiinta Somaliland, wuxuu ku tilmaamay hadalo jaban oo uu sheegay in ay ku sheegaan in Somaliland ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, isagoo dhawaaqyada noocaas ah ku tilmaamay kuwo sharci darro ah, isla markaana xusay in Somaliland aanay Soomaaliya ka go’in ee ay kala soo noqotay xorriyadeedii ay kula midawday 1 July 1960.
Mr. Buubaa, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay Twitter-ka,kaasoo uu luqada Ingiriisida ku qoray, isagoo qoraalkiisa kaga digay in siyaasiyiinta Somaliland ay faafiyaan hadaladaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan micno ku fadhiyin oo jaban, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Doodda jaban ee ku saabsan Somaliland, waxa inta badan faafiya siyaasiyiinta Somaliland oo meelahaas ka sheega in Somaliland ka go’day Soomaaliya bishii May ee sannadkii 1991.
Hadalada aan jirin ee ah in Somaliland ay tahay gobal ka go’ay Soomaaliya, waxay ka soo horjeedaa Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960 , waqtigaa oo ay ku midoobeen laba dal oo xor ahaa oo Jamhuriyadii Soomaaliya laysku odhan jiray.”

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, wuxuu sheegay in dooda noocaas ah mid khaldan tahay, isagoo yidhi, “Hadaladani la sheegayo ee ah in Somaliland ka go’day Somaliya, waxay ka soo horjeedaan madaxbanaanidii Somaliland ay heshay sannadkii 1960. Sidaa darteed, hadalada siyaasadeed ee lagu sheego inay Somaliland tahay gobal ka go’ay Somaliya gebi ahaanba waa khalad, waana in la saxaa” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Mr. Buubaa oo ah Siyaasi Aqoonyahan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post