X
    Categories: Warar

Siyaasiga Dibad Wareega Ah Ee Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Kulan Qarsoodi Ah Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Dhexmaray

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Siyaasiga dibad wareega ah ee Kooxda la baxday Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay kulan si qarsoodi ah ugu dhexmaray Qasriga Villa Somalia Maxadweyne Xasan Sheekh maalmihii lasoo dhaafay.

Prof. Cali Khaliif Galaydh, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, ay ka wada hadleen sidii ay isaga Kooxdiisa Khaatumo iyo kooxda sheegata Maakhir u qabsan lahaayeen shir ay ku midoobayaan, taas oo dawlada Somalia ka taageerayso. sidaa awgeed wuxuu xusay in Khaatumo iyo Maakhir looga Fadhiyo inay miiska soo saaraan inay arintaasi diyaar u yihiin .
Dhinaca kale Mr. Galaydh, wuxuu ku hanjabay in diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland ee ku waajahan gobolka Sool iyo Buuhoodle aanay aqbalayn, isagoo ku hanjabay in dhiig ku daadanayo, wuxuuna ku baaqay in ay ka haaboontahay in wada hadal lagu dhameeyo waxa jira, maadaama ayuu yidhi Somaliland wax baddan ka dhexeeyaan.

“Doorashooyinka horeba ugama dhicin deegaamadan, haddana kama dhacayaan oo ma ogolin, waxaan leenahay masuuliyiinta Somaliland waxa la marayaa 2016, ee wax baddan ayaa inaga dhexeeyee ka daaya sidaa oo wada hadal aan ku dhamaysano waxa ina dhexyaal.” ayuu yidhi Galaydh oo warbaahinta la hadlay.

Hanjabaada Cali Khaliif Galaydh ee ku waajahan diiwaangelinta iyo doorashooyinka u qorshaysan Somaliland 2017, ayaa timi markii uu soo dhamaaday kulan qarsoodi ah oo ay Madaxweynaha Somalia Xasan ku yeesheen todobaadkan magaalada Muqdisho, kaas oo Mr. Galaydh uu qiray, isla markaana la rumaysan yahay inuu dhawaaqiisa hanjabaada ah ka turjumayo shirqoolada ay ugu hesheeyiin isaga iyo Xasan Sheekh sidii ay u carqaladayn lahaayeen diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland, isla markaana loo khal-khalin lahaa amaanka deegaamada Bariga ee Somaliland.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post