X

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya Raila Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya Raila Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Ku Maamuusay Munaasibad Nairobi Kenya 14 December 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya #Raila@Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad

Nairobi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf uu xalay u sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, isla markaana ah siyaasi caan oo kasoo jeeda qoys taariikh weyn ku leh siyaasada dalka Kanya iyo dalalka geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale, waxaan munaasibada casha sharafta ee uu sameeyay Odinga kala qaybgalay Madaxweyhe Biixi Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Kenya.

Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya Raila Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad Nairobi Kenya 14 December 2020, Araweelo News Network.

Munaasibada waxa laga jeediyay khudbado, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyay Siyaasiga ruug-cadaaga ah ee  Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Muuqaalka munaasibada iyo khudbadihii laga jeediyay halkan ka daawo.

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post