Araweelo News Network.
Siyaasiga Caanka Ah Ee Kenya #Raila@Odinga Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Ku Maamuusay Munaasibad
Nairobi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf uu xalay u sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga, isla markaana ah siyaasi caan oo kasoo jeeda qoys taariikh weyn ku leh siyaasada dalka Kanya iyo dalalka geeska Afrika.
Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale, waxaan munaasibada casha sharafta ee uu sameeyay Odinga kala qaybgalay Madaxweyhe Biixi Jaaliyadda Reer Somaliland ee dalka Kenya.
Munaasibada waxa laga jeediyay khudbado, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyay Siyaasiga ruug-cadaaga ah ee Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.
Muuqaalka munaasibada iyo khudbadihii laga jeediyay halkan ka daawo.