X
    Categories: Warar

Siyaasiga Caanka Ah Ee Dalka Malaysia Anwar Ibraahiim Oo Xabsiga Laga Soo Daayay

Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha cusub Mahathir Mohamed MIdig Iyo Siyaasiga Anwar Ibraahiim

Malaysia(ANN)-Dowladda Malaysia, ayaa shaacisay in Xabsiga laga siidaayay Siyaasiga Caanka ah ee  Anwar Ibrahim oo muddo xidhnaa, isla markaana door weyn ku lahaa isbedelkii siyaasadeed ee ra’iisal Wasaaraha ruug Cadaaga ah ee xukunka kusoo laabtay Mahathir Maxamed gaadhsiiyay Dalka Malaysia.

Tallaabada uu Xabsiga kaga sii daayay Ra’iisal Wasaaraha cusub Mahathir Maxamed saaxiibkii Anwar Ibraahim, ayaa muujinaysa isbedel siyaasadeed oo mar kale horseedaya in Dalka Malaysia dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan sameeyo horumar.

Cafiska uu Ra’iisal wasaare Mahathir Maxamed u fidiyay Anwar Ibraahim Arbacadii maanta, ayaa muujisay inuu noqonayo Hoggaamiyaha mustaqbalka Malaysia, wuxuuna Mahathir markii uu  xukunka kusoo laabtay todobaadkan ballaanqaaday in uu labo sanno gudahood xilka kaga dagi doono si uu waddada ugu xaadho in Anwar uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Malaysia.

Siyaasiga Xabsiga laga soo daayay M markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah
Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka  talada hayay is qabteen.

Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post