Araweelo News Network
Malaysia(ANN)-Dowladda Malaysia, ayaa shaacisay in Xabsiga laga siidaayay Siyaasiga Caanka ah ee Anwar Ibrahim oo muddo xidhnaa, isla markaana door weyn ku lahaa isbedelkii siyaasadeed ee ra’iisal Wasaaraha ruug Cadaaga ah ee xukunka kusoo laabtay Mahathir Maxamed gaadhsiiyay Dalka Malaysia.
Tallaabada uu Xabsiga kaga sii daayay Ra’iisal Wasaaraha cusub Mahathir Maxamed saaxiibkii Anwar Ibraahim, ayaa muujinaysa isbedel siyaasadeed oo mar kale horseedaya in Dalka Malaysia dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan sameeyo horumar.
Cafiska uu Ra’iisal wasaare Mahathir Maxamed u fidiyay Anwar Ibraahim Arbacadii maanta, ayaa muujisay inuu noqonayo Hoggaamiyaha mustaqbalka Malaysia, wuxuuna Mahathir markii uu xukunka kusoo laabtay todobaadkan ballaanqaaday in uu labo sanno gudahood xilka kaga dagi doono si uu waddada ugu xaadho in Anwar uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Malaysia.
Siyaasiga Xabsiga laga soo daayay M markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah
Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka talada hayay is qabteen.
Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.