X
    Categories: Warar

Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Sheegay in WADDANI Keenayo Aqoonsi Caalami ah, Soona Celinayo Hantidii La Boobay

Araweelo News Network

 

“Waxaan Ahaa Wasiirkii Diiday Dekedda Iyo Madaarka Berbera Ee Saldhiga Laga Dhigayo,” Maxamed Biixi Yoonis

Mohamed Biixi Yoonis

Berbera(ANN)-Wasiirkii arrimaha dibadda xukumadda Siilaanyo haddana ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xisbiga Waddani soo celinayo hantida dadweynaha ee xukumadda Kulmiye iibisay. Waxa uu sheegay in uu diiday in dekedda iyo madaarka Berbera la wareejiyo xilligii uu ahaa wasiirka arrima dibadda isaga oo sida oo kale na cod dheer ku sheegay in Xisbiga WADDANI uu keeni doono aqoonsi caalami ah.

Waxaad ogtihiin in aan ahaa wasiirkii hormoodka u ahaa hawlaha dekeddan iyo madaarka Saldhiga laga dhigayo ee labadaba diiday Ayaan ahaa taariikhduna way ogtahay . waxaan u diiday aniga oo idiin danaynay, maanta waxba ku dheeraan maayo oo haddii aan taariikhdeeda galo waxaan ka yaabaya in aad gadoodaan dhibaato intaas ka wayni dhacdo,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo Berbera kula hadlayay kumanaan reer Saaxil ah oo ololaha doorashada isugu soo baxay.

Waxa uu sheegay in ay ilaha dhaqaalaha ee la bixiyay iyo dhulka danta guud ah ku soo celin doonan gacmaha shacabka “Haddii aanu nahay Waddani waxaanu ballan idiinku qaadayna in aanu ilaha dhaqaalaha ee Deked leh ee Madaar leh ee kalluun iyo sibidh leh horumarkooda ka shaqayno. Dhulkaas Berbera ee la wada dayrtay ee la boobay ee laga wada gaadhsiiyay gacantiina ayaanu ku soo celinayna, ha ka warwarina gidaarrada waanu duminayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiirkii hore ee khaarajigu.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay dhaqaalaha wax ka qaban doonan “Waxaanu ballanqaadayna haddii aanu reer Waddani nahay in aanu dhaqaalaha wax ka qabano, in aanu sixir bararka wax ka qabano, waad arkaysaan dadkeenii maanta sixir barar baa aafeeyay, abaara ina haysta, farsamo ay ku maamulaan ma laha Kulmiye. Dhaqaalihii dhulka ayuu galay gaajadii iyo baahidii way badan tahay. Insha Allaahu haddii aanu qabsano waanu qabsane waxaanu wax ka qaban doona arrimahaas oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in markii uu xilka hayay dekedda Berbera keenay wasiirradii u badna ee Itoobiya ka yimaadda, islamarkaana la saxeexday heshiisyo ku saabsan in la isku xidho Berbera iyo Itoobiya lana dhiso jidad baabuurta ah iyo xadiid tareen laakiin, xukumadda joogta dadaalkaasi ku bedelatay xaqul qalin. Waxa  uu sheega in xisbiga Waddani leeyahay aqoon lagu kasbado Citiraaf iyo maalgashi caalami ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post