X
    Categories: Warar

Siyaasi ku Dhawaaqay inuu Tartan Ugu Jiro Murrashaxnimada Jaga Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (ANN)Dr. Maxamed Cali Cabdi oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee qurbo-jooga ay, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee xisbigaas, kaasoo uu loolan kula geli doono Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed.
Dr. Maxamed Cali oo madaarka Hargeysa ka soo degay shalay, kuna soo dhaweeyey masuuliyiin iyo saraakiil sare oo xisbiga WADDANI ka tirsan, ayaa warbaahinta si toos ah ugu sheegay inuu jagadaas ku tartamayo, diyaarna u yahay inuu kula tartamo cid kastoo jagada madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI isku sharaxda.
“Waxa aan ahaa aasaasayaashii xisbiga ee doonaya in xisbiga WADDANI noqdo xisbi dalka meel fog gaadhsiiya. Laba sanno ka hor bishan November ee aan ku jirto oo ahayd sannadkii 2013kii anigoo jooga dalka Ingiriiska, waxa aan sheegay in aan diyaar u ahay tartanka jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga, maadaama aanay arrintaas dad badan oo reer Somaliland ah maqal ama laga arag saxaafadda, waxa aan hadda cod dheer ku leeyahay jagadaas ayaan u taaganahay in aan u tartamo, damacaasna waxa uu yahay in aan dalka ka qaybqaato dhismahiisa oo aan dhibaatada ka baxno. Nimanka kale ee saaxiibaday iyo walaalahayba ah ee haddii damaca ay yeeshaan waan soo dhaweynayaa, waxaanan leeyahay waa la tartami karaa oo xisbiga tartankiisu wuu furan yahay ta,” ayuu yidhi Dr.Maxamed Cali Cabdi.
Waxa kaloo uu dhalliilo kala duwan u jeediyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, isagoo tilmaamay in caddaalad-darro iyo maamul-xumo ka jirto Somaliland muddada xukuumadda KULMIYE joogtay, waxaannu xusay in aan hadda lagu eegi karin in Somaliland gacanta ugu sii jirto xukuumadda joogta.
“Mugdiga laguma saaro mugdi, balse iftiin ayaa lagu saaraa, iftiinkii wuu jiraa, wuunna joogaa, maalin walbana wuu kordhayaa, kaasina waa xisbiga WADDANI, waxa aan doonaynaa in reer Somaliland ku daba faylaan iftiinkaas, si dalka looga saaro mugdiga uu ku jiro iyo dhibaatooyinka taagan ee maalin walba soo kordhaya,” ayuu siyaasiga Dr. Maxamed Cali Cabdi.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post