X
    Categories: Warar

Siyaasi Cali Maxamed Warancade Oo Lagu Soo Dhoweeyay UK

Araweelo News Network

Bristol(ANN)-Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah La-Taliyayaasha Madaxweyne Muuse Biixi, Isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddihii hore, ayaa lagu soo dhoweeyay Dalka Uk, gaar ahaan Magaalada Bristol ee cariga Ingiriiska.

Safiirada Somaliland ee UK, Ayaa.n Ashuur, Maayarka Bristol Marvin Rice oo ay weheliyaan Xildhibaan Hibaaq Jaamac Iyo Xildhibaano kale, kuwaas oo kusoo dhoweeyay halkaa Siyaasiga Cali Maxamed Warancade oo maanta gaadhay halkaa, waxaana sidoo kale soo dhawaynta Cali Warancade oo ahayd mid si Ballaadhan loo agaasimay ka qayb qaatay ah haldoorka iyo bulshada miisaanka leh ee magaalada Bristol, iyadoo munaasibada soo dhowaynta lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Golaha Deegaanka ee Magaaladaa..

Sidoo kale Safiir ku-xigeenka Somaliland ee UK Amb.Daahir Tukaale iyo xubno kale oo ka mid ah jahliyada Bristol ee reer Somaliland

Siyaasi Cali Maxamed Warancade, ayaa caawa kulan ballaadhan layeelan doona Jahliyada reer Somaliland ee Magaalada Bristol, waxaana la filayaa in munaasibadu  ka qabsoonto FUTURE INN Hotel ee magaalada Bristol

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post