#Araweelo News Network

 

Ceergaabo (ANN)- Siyaasi  Cali Maxamuud Shire  (Cali Baashe) oo ahaa  siyaasi ganacsade ah, isla markaana ka mid ahaa haldoorka gobolka Sanaag ayaa maanta lagu dilay deegaanka Degmada Fiqi-fuliye oo qiyaastii 70km dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Allah haw naxariistee Marxuumka Cali Maxamuud Shire  (Cali Baashe), ayaa xil kasoo qabtay dawladda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna maalmihii u danbeeyay ku sugnaa deegaanka Fiqiga, isagoo ka mid ahaa madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Wax-garad kasoo jeeda deegaanka oo ka qaybgalay shir maalmahan ka socday degmada Fiqi-fuliye oo lagaga arrinsanayay arrimaha collaada ee Gobolka Sool oo saamayn ku yeeshay dhowaan deegaamo ka mid ah gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceergaabo oo waajahday xaalad cabsiyeed iyo nabadgelayadaro.

Sida ay shabakaddaha wararka ee Araweelo News Network, marxuumka oo ka mid ahaa haldoorka shirka ka qaybgalay ayaa gacan ka xaqdarani ku dishay halkaa, waxaana gacanta lagu dhigay gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay.

Marxuumka ayaa door weyn ku lahaa daminta  shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Ceergaabo ee sababtay dhimashada in ka baddan tobaneeyo qof, isla markaana abuurtay jawi collaadeed oo dadka deegaanka cabsi gelisay, wuxuuna ka mid ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii ku guntaday in aannay dadka gobolka Sanaag aqbalin fidmada iyo collaada la doonayay in laga abuuro deegaankooda nabdoon.

Sida la xaqiijiyay marxuumka ayaa xilligan la dilay deegaanka u joogay sidii nabadgelyo buuxda deegaanka looga dhalin lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa xaaladda cabsida ee ka jirta deegaanka, iyadoo Garaadka Sarmaanyo ee Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad  Maxamuud Garaad Cali oo ka mid ah madax-dhaqameedka ugu faca-weyn deegaamada Somaliland, gaar ahaan gobollada Sanaag iyo Sool oo dhowaan lagu soo dhoweeyay deegaanka Awr-Boogays uu sheegay in ay qabanayaan shir lagaga hadlayo nabada deegaanka.

Muuqaalkan ayaa muujinaya marxuumka la dilay oo ka hadlaya nabada Ceergaabo.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com