X

Siyaasi Cabduqaadir Jirde Oo Ku Taliyay In Somaliland Iyo Soomaaliya Is Kaashadaan

Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde , Image Araweelo News Network, 19 Dec 2021.

Araweelo News Network.

Djibouti(ANN)-Siyaasi Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah haldoorka Somaliland, isla markaana ka tisran xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay qalalaasaha siyaasada mandaqada gobolka geeska Afrika.

Cabduqaadir Jirde oo ka jawaabayay su’aalo kaga weydiiyay doorka bulshada Soomaalida ee dhaqaalaha iyo siyaasada gobolka, ayaa sheegay in Somaliland tusaale u tahay Soomaaliyada kale, dhismaha nabada, dawladnimada iyo nidaamka doorashooyinka, sidaa awgeed ay dib u dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya door ka qaadan karto Somaliland.

Siyaasi Cabduqaadir Jirde, wuxuu marka hore ka cudur-daartay in aannu shirka Madasha Aragti Wadaagga ee  uu qabanqaabiyay machadka Heritage ku metelin dawladda Somalialnd iyo xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay,

Shirka oo Isniintii ilaa Khamiistii ka socday dalka Djibouti oo iyagu martigelilay, iyadoo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka gobolka geeska Afrika ee qalalaasuhu naafeeyay.

Mr. Jirde, ayaa sheegay marka laga hadlayo xuduudaha in ay Somaliland xad la wadaagto, Djibouti, Kilalka shanaad ee Ethiopia iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana marar baddan ay Somaliland iyo Djibouti xuduudaha kala xidhteen, sidoo kale dhinaca xadka Kililka shannaad dhibaatooyin ka jireen, balse dhammaan arrimahaa la xaliyay, sidaa awgeed ay Somaliland xidhiidh wanaagsan leeyihiin xilligan Kililka shannaad iyo dalka Djibouti.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jirto kacsanaan baddan oo dhinaca xadka Somaliland iyo maamulka Puntland ah, kaas oo uu sheegay in loo baahanyahay in hoos loo dhigo oo labada dhinacba ay dejiyaan xaaladda maadaama ay dadku yihiin kuwo aan kala maarmin oo leh xidhiidh taariikheed, isla markaana loo baahanyhay in nabad lagu wada noolaado.

Mr. Jirde, waxa uu sheegay in wallow ay Somaliland wax baddan qabsatay oo dhismaha nidaamka dawliga ah, nabadgelyada iyo doorashooyinka, balse aannay taasi ahayn in aannay jirin qabyo iyo waxyaabo ka dhiman.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dhismaha Soomaaliya doorka ay Somaliland ka qaadan karto aan la iloobin, maadaama ay talo iyo wixii waaya aragnimo ah ku kordhin karto, isla markaana ay isaga kaashadaan arrimaha mandaqada ka taagan iyo faragelinta siyaasadeed ee dibedda kaga socota gobolka, balse wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay Cabdulqaadir Jirde in marka la maqlo midawga murrashaxiinta ay muujinayso cunfi xun, lama arag murrashaxiin midawda ayuu yidhi, waxaase ay u muuqataa in cid loo heshiinayo ayuu raaciyay siyaasi Cabduqaadir Jirde.

Daawo Muuqaalka

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post