X
    Categories: Warar

Siyaasi Buubaa Oo Sharaxay Sida Ay Madaxbannaanida Somaliland Dan Ugu Tahay Soomaaliya Iyo Fariinta Uu Faray Bile Rafle

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Prof. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa iftiimiyey in madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay dan iyo faa’iido u wada tahay guud ahaanba dadka Soomaalida, gaar ahaan Soomaaliya.

Mr. Ismaaciil Hure Buubaa oo hadal ka jeediyey munaasibad qado-sharaf ahayd oo xisbiga WADDANI uu caasimadda Hargeysa ugu sameeyey nin masuul ah oo magaciisu yahay Bile Rafle Guuleed maalintii Isniinta ee todobaadkan.

Prof. Buubaa, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida ee uu ka mid yahay Bile Rafle ay door ka qaadan karaan sidii maamulka Soomaaliya looga dhaadhicin lahaa in madaxbannaanida iyo aqoonsi uu helo dalka Somaliland ay faa’iido u tahay dadka Soomaalida oo dhan.

“Somaliland maanta siyaasiyan halka ay taagan tahay, deganaanshaha ay leedahay iyo wanaagga ay u hayso Soomaalida oo dhan, laakiin ay u aragto danta Soomaaliyeed inay ku xidhan tahay, waxna lagu beddeli karo maanta oo lagu hagaajin karo danaha Soomaaliyeed iyadoo Somaliland ay dib u hanato madaxbannaanideeda dal iyo dhul ahaaneed (Sovereignty), farriintaas oo u baahan in aad Billow (Bile Rafle) gaadhsiiso dadka Soomaaliyeed, iyadoo aanay ka ahayn wax allaale iyo wax xumaan ah ama nacayb ah ama jidh-diid ah oo ay dadka Somaliland u hayaan dadka Soomaaliyeed ee meelahaas kale ee aad tagi doonto ku nool, waana dad walaalahood ah.”

“Labadii qaybood ee isku yimmi sannadkii 1960-kii oo ah Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay dantu ugu jirtaa in la helo dawlad Soomaaliyeed oo firfircoon, degan oo dimuqraadi ah oo shaqaynaysa, caalamkana wax la qabsata inay wax u qaban karto Soomaaliya, dantu innooguma jirto i jiid aan ku jiidee oo gacmo daalis ah, markaa maanta danta Somaliland waxa ay ku jirtaa, iyadoo qadarinaysa walaalahood Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba, in ay iyadu (Somaliland) wax qabsato, wayba qabsatay oo waa dawlad dhisane, laakiinse inay haddana la soo noqoto madaxbannaanidii ay heshay sannadkii 1960-kii, kadibna ay wax u qaban karto Soomaaliyda kale.”

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa tilmaamay in aanay qurux badnayn in Soomaaliya ku dheganaato, isla markaana horjoogsato madaxbannaanida iyo aqoonsi ay hesho Somaliland, waxaannu yidhi; “Weli waxa aad moodaa in Soomaaliya ay ku dhegan tahay madaxbannaanida Somaliland oo waxayba u haysataa inay kelideed uun iska heshay (xoriyadda iyo midawgii 1960-kii), laakiin labaduba way wada heleen, labadoodabana waxa ay maanta dantoodu tahay oo ay ku wanaagsanaan karaan in Somaliland loo ogolaado madaxbannaanidooda, iyadoo si walaaltinimo ah la isku ixtiraamayo, maadaama ay yihiin laba kala duwan oo isku yimi sannadkii 1960-kii, waana inay si wanaagsan iskula fahmaan in si walaalnimo ah loo wada noolaado, iyagoo kala ah laba dal oo labaduba Soomaali ah oo fadhiya Qarammada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD oo wada fadhiya hay’adaha kala duwan ee caalamka, iyadoo ay taasina guul u wada tahay Soomaali oo dhan.”

Mr. Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa sidoo kale iftiimiyey ujeedooyinkii ay la hayeen siyaasiyiinta uu ka mid ahaa ee reer Somaliland ee hore u aamisanaa fikirka Soomaali-weyn, lana soo shaqeeyey dawladihii laga soo dhisay Soomaaliya.

“Anigu waxa aan ahaan jiray ragga SNM-ta ahaa ee markii dambe tegay dhinaca Koonfurta (Soomaaliya), runtiina ka qaybqaatay in Soomaaliya lagu soo celiyo wax dawlad la yidhaahdo, macnaha ugu wayn ee aannu taas ugala jeednay waxa ay ahayd bal haddii la wada joogayo iyo haddii la kala tegayaba inay jirto cid lala hadlo oo dawlad ah, markii horena (1991-kii) haddii ay Somaliland odhan lahayd anaga ayaa ah dawladdii Soomaaliya mid ayuun bay ahaan lahayd oo caalamku wuu ogolaan lahaa, laakiin taasi ma dhicin, waxaanna maanta fiican in la kala noqdo labada dal oo kala madaxbannaan oo la isla ogolyahay,” ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Waxaannu intaas ku daray; “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta jooga Nairobi ama Kenya oo runtii aad moodo in Soomaalida Kenya ay yihiin meesha keliya ee ugu firfircoon la socodka siyaasadaha caalamka, ha noqoto waddanka gudihiisa ama sida kaleba, waana inay door weyn ka ciyaari karaan maanta Somaliland iyo Soomaaliyaba inay dantooda tahay oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u fahamsiin lahaayeen walaalahooda jooga Xamar in ay danta Xamar ku jirto madaxbannaanida Hargeysa, taas ayaana u dan ah Xamar (Soomaaliya), taas ayaana Hargeysa (Somaliland) u dan ah oo taas ayaa Soomaali u dan ah.

“Soomaali waxa ay maanta u baahan tahay waxa weeyaan awoodda siyaasadeed iyo quwadda shacbi iyo isku kalsoonaanta maanta ka jirta Somaliland inay noqoto mid Somaliland-na u shaqaysa, Soomaalina meel kasta oo ay joogaan u shaqaysa,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Hure Buubaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post