X
    Categories: Warar

Sirdoonka Maraykanka oo La Baxday Basaas U Joogay Aqalka Ruushka Looga Taliyo

Washington(ANN)-Hay’adda sirdoonka u qaabbilsan Mareykanka ee CIA-da,  ayaa la baxday basaas sare oo awood u lahaa inuu wax badan ka ogaado aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga taliyo.

Sasrkaalkaa oo kaalin weyn ka ciyaaray qiimeyntii lagu sameeyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016, waxaa sidaas weriyey CNN iyo New York Times oo labaduba sheegay in xog-ogaalkaas laga soo saaray Ruushka sanadii 2017, kadib markii uu diiday mar hore oo loogu baaqay inuu kasoo tago dalkaas.

CNN ayaa sheegtay in go’aanka lagu soo saaray shaqsi meel sidaas u muhiim ah joogay ay qeyb ka ahayd cabsi laga qabo in madaxweyne Trump iyo xubno sare oo ka mid ah maamulkiisa ay si qaldan gacmaha ula galaan akhbaar sir culus ah.

CIA-da ayaa diiday warbixinta CNN-ka, waxayna sheegtay in go’aanka ay uqaadatay uu ku salaysnaa “taxliil hadaf leh iyo xog uruurin cilmi ku dhisan.”

New York Times ayaa sheegtay in go’aanka jaajuuskaas lagu soo saaray ay sabab u ahayd sida warbaahinta ugu hadashay faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashada iyo warar ku saabsanaa xogo laga helay il-wareed ku dhex sugan Kremlin-ka.

Warbixinada ayaa sheegay in luminta xog-ogaal sidan u qiimaha badnaa oo ku dhex sugnaa Kremlin-ka ay sirdoonka Mareykanka ka dhigaty kuwa aan wax xog ah ka haysan ficillada Ruushka ee iminka iyo qorshahooda ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka dambe ee Mareykanka.

Xigasho VOASomali.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post