X
    Categories: Warar

Sir. Terry Wogan: Weriye Ruug Cadaa Ka Baxay Warbaahinta Britain

Araweelo News Network

Sir Michael Terence “Terry Wogan


London(ANN)Warye Terry Wogan oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu waaweyn ee dalka Britain sanaddo badan, ayaa geeriyooday. Mr. Wagon ayaa waxaa ay xiligan dadiisu ahayd todobaatan iyo todoba sanadood.

sida lqagu sheegay qoraal kasoo baxay qoyskiisu, waxay sheegeen in uu Mr. Wagon muddo kooban xanuusanayay, isagoo la ildaraa cudurka Kansarka.

Sir Michael Terence oo caan ku ahaa Terry Wagon ayaa ku dhashay dalka Ireland, August 3, 1938, Limerick, Republic of Ireland, waxuuna shaqadiisii ugu horeysay ee warbaahinta ka bilaabay dalka Ireland, isagoo kasoo shaqeeyay Irish radio and television (KBE DL) ka hor inta aanu ku soo biirin BBCda sanadadii lixdameeyadii.

Waxuuna Mr. Terry markiiba noqday dadka ugu caansan ee soo jeediya barnaamijyada mededaaladda iyo heesaha oo uu caan ku noqday.

Sanadadii sideetameeyadii ayaa waxaa barnaamijkiisa Tv-ga daawan jiray dad lagu qiyaasay malaayiin qof inay tiradoodu gaadho. Mr. Wogan ayaa waxaa uu sidoo kale soo jeedin jiray barnaamijka BBCda ee dalalka Yurub ku tartamaan ee heesaha Eurovision Song Contest.

Waxuuna door weyn ka qaadan jiray in lacago boqolaal milyan ah oo loo ururiyo hay’addaha samafalka ee caawiya caruurta dunida.

Terry Wagon, wuxuu guursaday 1965, Haweenay magaceedu yahay Helen Joyce, waxayna u dhashay Afar Caruur ah oo kala ah Mark Wogan, Katherine Wogan, Alan Wogan, Vanessa Wogan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post