X

#Simon Marks: Weriyihii #New York #Times Oo Laga Masaafuriyay Addis Ababa #Ethiopia Oo Waajahday Canbaarayn Kaga Timi Dunida

Saxafiga Simon Marks ee u shaqaynayay New York Times oo laga masaafuriyay dalka Ethiopia. 22 May 2021.Image Ataweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

 

#Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda #Federaalka ee #Ethiopia, ayaa waajahday canbaarayn kaga timi Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo Ururada Caalamiga ah ee u dooda Suxufiyiinta dacalada dunida, taas oo ka dhalatay kadib markii ay xaqiijisay inaydalkeeda la masaafisay Weriye u dhashay dalka Iredland.

Simon Marks oo muddooyinkii u danbeeyay ka hawgelyay dalka Ethiopia, ayaa xilligan u shaqaynayay Wargeyska Caanka ah ee  The New York Times, oo laga leeyahay dalka Maraykanka, isla markaana ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee ugu magaca dheer.

Hase yeeshee Suxufiga Mr. Simon Marks, ayaa xukuumadda dalka Ethiopia kala noqotay ruqsadii sharciga ahayd ee suxufinimo ee uu kaga hawlgelayay dalka, waxayna xukuumadda Ethopia go’aankeeda ay dalka kaga masaafurisay Simon Marks ka macnaysay mid ka dhashay kadib, markii uu wrar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi, halkaas oo dagaalada u dhexeeya ciidamadda dawladda oo taageero ka helaya kuwa dalka Eriteria iyo malayshiyaad ay isu xulaysfaysteen kooxda TPLF.

Dagaalka ka bilaabmay gobolka Tigray tan iyo markii ay ciidamadda Ethiopia oo garab ja helaya ciidamadda dalka ay deriska yihiin ee hore cillaadu u dhexmartay iyo malayshiyaad deegaanka Amxaarada ah, ayaa ku duulay gobolka Tigray dhammaadkii November 2020, waxaana markaa kadib soo baxay warbixino hay’addaha xuquuqda Aadamaha iyo hay’addaha gargaarku baahiyeen oo si weyn u iftiimiyay in gobolka Tigray ay ka dhaceen xasuuqyo baahsan, kufsi fuulxun, gabaood-falo kale oo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha iyo bililiqo, waxaana dhammaan xadgudubyadaa lala xidhiidhiyay ciidanadda dawladda Ethiopia, kuwa Ereiteria iyo malayshiyaadka ay gacanta ka helayaan, wallaw ay xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy si cad u dafirtay oo beenisay marar badan warbixinaha murrugada badan ee gobolka Tigray.

 

Weriyaha u dhashay dalka dalka Iredland Mr. Simon Marks ayaa ka mid ahaa dhawr suxufiyiin reer galbeed ah oo dalka Ethiopia ka shaqeynayey tan iyo sanadkii 2019,  isagoo sifo sharci ah uga hawgelayay, isla markaana haystay Warqadda Fasaxa Deganaanshaha (Residence Permit) ee uu ku joogay Ethiopia, iyadoo muddada deganaanshuhu kaga ekaa bisha October ee sanadkan 2021, waxaase lga duuliyay Madaarka Caasimada Addis Ababa xallay.

 

 

Simon Marks, isagoo doonaya inuu wax badan ka oggaaado xaqiqida dhabta ah ee ka jirta gobolka Tigray iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuququda Aadamaha, wuxuu March 4, 2021, booqasho ku tegay Gobalka Tigray, iyadoo  muddo dhawr bilood ah aan loo ogolayn warbaaihinta in ay booqato gobolka, balse markaa kadib wuxuu diyaariyey Warbixin uu kaga hadlay dhibaatooyinka ku gadaaman gobolka Tigray iyo sidoo kale, Tacadiyo Kufsi baahsan oo ka dhacay Gobalkaa, tan iyo markii ay Ciiddanka Federaalka ku qaadeen duulaanka  dagaalamayanka Maleeshiyda Difaaca Qowmiyada dadka Tigray 20 November 2020, iyagoo kaashanaya ciiddamada Ethiopia, kuwa Ereteria iyo malayshiyaadka Amxaarada iyo kooxo kale. Defence Forces (TDF).

 

Hase yeeshee Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudda Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) ayaa si weyn u cambaareeyay in Saxafigaa laga soo masaafuriyo dalka Ethiopia, waxayna talalabadaa ku tilmaameen mid khadlan oo noqonay tii ugu horeysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibkaa, tan iyo markii uu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed la wareegay xukunka dalkaa 2 April 2018.

Sidoo kale, waxa si weyn ugu canbaareeyay tallaabadaa xukuumadda Ethiopia Guddida Badbaadinta Suxufiyiinta ee caalamiga ah oo loo soo gaabiyo( CPJ), waxayna ku tilmaameen tallaabo khaldan oo baalmarsan qawaaniinta xukuuqda aadamaha iyo xoriyadda saxaafadda.

Dhinaca kale, Maamulka Wargeyska The NYT waxay sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Weriyaha Simon Marks ugu yeedheen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intii aannay isaga saaarin diyaarad saqdii dhexe ee habeen hore.

Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray in aannay Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka horistaagin oo u diidin inuu guriga uu deganaa ka soo qaato Hantidiisa balse ay xataa u diideen inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2 sannadood jiray oo Addis Ababa kula noolaa.

Xukuumadda dalka Ninka Madaxa Hay’adda Warbaahinta ee dalka Ethiopia u qaabilsan, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP, ayaa tilmamay in aannu  Saxafiga Simon Marks dalka ku lahayn sharci Joogitaan oo awood u siinaya inuu gudaha Ethiopia kusii negaan karin, isagoo aan lahayn Liisanka, ama shatiga Warbaahineed ( A Media Licence).

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post