X
    Categories: Warar

‘Sidii Alle kuu Abuuray oo aad ku Kalsoonaan Waydo waa Nusqaanta Ugu Weyn ee ku Dhacay Bani’adamka’ Wasiirka Waxbarashada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere), ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan halka Soomaalidu asal ahaan ka soo jeedo iyo sida xaqiiqda arrintaasi lagu ogaan karo.
Wasiirka Waxbarashadu waxa tilmaamay in ka sakow muranka ka taagan haybta asal ahaan Soomaalidu ka soo jeedo, haddana uu jiro dhaqan-gaddoon wayn iyo isbeddel si joogto ah ugu socda dhaqankii ay caanka ku ah ahayd Soomaalidu, taasina loo baahan yahay in la ogaado sababta keentay.
Md. Cabdillaahi Dheere oo hadal ka jeediyey kulan Wasaaraddiisu qabanqaabadiisa lahayd oo dood-cilmiyeed laga yeelanayo kaalinta manhajka waxbarasho ka qaadanayo ilaalinta aqoonsiga waddaniga ah iyo ka hortagga dhaqamada casriga ah oo ka furmay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa uu nusqaan ku tilmaamay kalsooni-darrada dadka Soomaalida ah kaga dhacday dhaqankooda iyo midabkoodii.
Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Haybta qofka Soomaaliga ah muran baa ku jira, haddaba taa intaynaan meel dhigin aynu Soomaalinimadeenna iyo waxa innaga inoo gaarka ah aynu meel dhigno, halkaynku ku aroorno mudan badan baa ka jira oo badhkeen waxa uu qabaa in aynu Afrikaan nahay, badhkeenna waxa uu qabaa in aynu Carab nahay, taasi waxay u baahan tahay xog-ururin badan iyo macluumaad badan oo taariikh bani’aadam la helo.
Haseyeeshee, bal inta ka sokaysa aan isku koobno oo waxeenna uun innagoo Soomaali ah oo Somaliland ka tirsan aynu waxa gaar aynu u leenahay iyo sidaynu ubadkeenna ugu xafidi lahayn aan is waydiinno. Marka u horreysa qoomiyadda af baa ka dhexeeya oo asal ah, inanteennu markay wax tilmaamayso waxay odhan jirtay ‘dheeriyaa oo dhuxusha ka madoobiyaa, aabbahay hal iyo nirig buu wadaa, hooyadayna dhig iyo udub bay wadaa,’ maantana gabadhaheennii way is hoodhinayaan (is caddaynayaan), maxaa arrintaa u sabab ah, kalsooni-darrada intaa le’eg ee innagu dhacday iyo wixii aynu shalay ku faanaynay, sidii Alle kuu abuuray oo aad ku kalsoonaan waydo waa nusqaanta ugu wayn ee bani’aadamka ku dhacday, sidii Alle kuu abuuray oo aad ku faanniwayno oo kula waynaan wayda.”
Waxa kaloo uu Wasiirku soo dhaweeyey doodaha ku saabsan arrimaha noocan oo kale ah, isagoo aqoonyahanka iyo jaamacadaha ku dhiirrigeliyey inay cilmi-baadhis badan ka sameeyaan waxyaabaha faa’iidada u leh dalka iyo dadkooda.
“Dood cilmiyeedka noocaas oo kale ahi waa kuwa loo baahanyahay in aqoonyahanku ka wadahadlo oo waxaasi jaamacaduhu cilmi-baadhis ku sii sameeyaan oo laga soo saaro wax raad-raac noqda iyo talooyin ku dhisan cilmi-baadhis oo aynu ku darsanno talooyinkeenna aynu ku horumarinayno waxbarashada, dhaqankeenna iyo jiritaankeenna asalnimo,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Dheere.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post