X
    Categories: Warar

Sideed Qodob Oo Kasoo Baxay Wada-Hadaladii U Dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo Ee Uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)-Wada-Hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo kooxda Khaatumo, ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, kuwaas oo ka kooban sideed qodob. kadib wareegii labaad ee wadahadalada oo lagu soo gebagebeeyay Dalka Djibouti.

Qoraalka qodobadaa oo lasoo mariyay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaa 25 March 2017 ilaa 29 March 2017 ka bilaabmay shir ay isku yimaadeen Guddida Wada-hadalka ee Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo ka qabsoomay Dalka Djibouti.

Shirkaas oo ku bilaabay, kuna dhamaaday is afgarad qodobadii laga wada hadlayey.

Shirkaas waxaa laysla gartay, oo ka soo baxay qodobadan soo socda:

1. Waxaa laysla qaatay in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad), si buuxdana u tageerno, iskuna garab taagno Guddida nabadeynta ee hawshaa gacanta ku haysa.

a. Waa in wixii faro galin ah, gudaha iyo dibadaba ee wax yeelayn kara nabadeynta labadaas Beelood meel looga soo wada jeesto.

2. Waxaa si buuxda layskula qaatay in hawlaha Abaaraha iyo horumarinta deegaamadaas layska kaashado si wadajir ah.

3. Waxaan si wadajira ugu baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, ay ka hawl galaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka aaney hore u tagi jirin, halkaas oo aaney imika wax nabadgelyo daro ahi ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.

4. Waxaa laysla gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada, sidaa daradeed waa in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aaney hore uga jirin, ha’yadaha samafalkuna doorkooda ka qaataan.

5. In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara hanaanka wada-hadalada laba dhinac.

6. In wixii dhiig iyo dhaqan ku saabsan lala kaashado goloyaasha dhaqanka si wadajira.

7. Waxaa laysla qaatay in guddidii farsamadu soo diyaariso qabashada shirka danbe , soona cayinto goorta iyo goobta sida ugu dhakhsaha badan.

8. Waxa laysla qaatay in yoolka wadahadaladeena uu saldhig u yahay is aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo, horumar dhan kastaba ah.

Gudoomiyaha Waftiga Somaliland

Mr.Maxamed Mixile Boqore.

_____________________________

Gudoomiyaha Waftiga Khaatumo

Mr.Maxamoud sheikh Cumar Xasan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post