X

Sidee Ayuu Uga Badbaaday Xasuuqii Garabcase Ee Lagu Khaarajiyay Saaxiibadii Halyeeyada Ahaa Ee Safka Hore Ee Dagaalkii 77 Ethiopia iyo Soomalia

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Caydiid Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa halyeeyadii Ciidankii dawladdii Soomaaliyeed ee safka hore ee dagaalka 1977 dhemxaray Somalia iyo Ethiopia, ayaa ka warbixiyay qaabka uu uga badbaaday dhacdadii waxashnimada ahayd ee Halyeeyadii lagu xasuuqay deegaanka  Garabcase ee duleedka Magaaladda Jigjiga.

Caydiid wuxuu ka badbaaday Liiska 82 loo xulay in ay ahaayeen geesiyaal laga soo ururiyay ciidanka, iyadoo loo sheegay in la abaalmarinayo, balse waxay abaalmarintii noqotay in si waxashnimo ah loogu xasuuqo deegaanka Garabcase ee Jigjiga.

Dhacdadaa ayuu kaga waramay Caydiid oo liiska lagu daray magaciisa, balse ka badbaaday xasuuqaa oo sida uu sheegay uu fuliyay Taliyihii Ciidanka Aaga Col. Maxamed Sheekh Cismaan (Cirro) oo muddo yar kaddib markii uu fuliyay dhacdadii Garabcase la dilay, kaddib inqilaab uu hoggaaminayay oo la donayay in xukunka lagaga tuuro Maxamed Siyaad Bare uu dhicisoobay.

Waraysigan oo ah mid taariikhi ah, wuxuu Caydiid kaga waramayaa dhacdadaa iyo xaaladdu sidii ay ahayd, isagoo sidoo kale sawir ka bixinaya dhacdooyinkii ku xeernaa arrinta, sidii ciidanku uga falceluiyeen iyo gulufkii dagaalka ee safka hore markii ay ciidamo uu ka mdi ahaa guddaha u galeen Dirirdhaba.

Muuqaalkan Ka Daawo Dhacdadaa Iyo Xoggo la Xidhiidha Dagaalkii 1977.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post