X
    Categories: Warar

Shirweynaha Xisbiga WADDANI Oo Dib Loo Dhigay

Araweelo News Network

Uurcade

Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa go’aansaday inay muddo sannad ah dib u dhigaan shirweynihii labaad ee xisbiga, iyadoo muddada shanta sanno ah ee ay ahayd inuu ku qabsoomo ay ku buuxda Isniinta maanta oo taariikhdu tahay 9 April 2018.

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in kulan ay Guddida Fulinta ee xisbigoodu yeesheen lagu go’aamiyey in shirweynaha WADDANI uu qabsoomo bisha April ee sannadka 2019, haddii Ilaahay yidhaah.

“Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI oo shir yeeshay maanta (shalay), waxayna ka doodayeen oo ajandaha ay isugu yimaadeen uu ahaa qabashada shirweynihii xisbiga WADDANI, markaa dood dheer kadib, waxa ay Guddida Fulintu si wadajir ah isugu raaceen in shirweynaha xisbiga dib loo dhigo muddo sannad ah, taasoo ka bilaabmaysa 9 April 2018, waayo shirweynihii hore waxa uu qabsoomay 8 ilaa 9 April 2012, waxayna ahayd in hadda la qabto 9 April 2018, balse dib ayaa loo dhigay muddo sannad ah,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey sababaha keenay in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga WADDANI. “Guddida Fulintu waxa ay tix-geliyeen;

1. Qodobka 16-aad ee xeerka xisbiga WADDANI oo lagu sameeyey kaabis iyo wax-ka-beddel.

2. In dalka Somaliland ay dhawaan ka qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 13 November 2017, taas oo culays badan kaga tagtay dalka iyo dadkaba.

3. In taageerayaasha qurbo-joogga ah oo si weyn uga soo qaybgalay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday oo ay ku adagtahay inay si dhakhso ah ugu soo noqdaan dalka mar kale, maadaama ay qayb muhiim ah ka yihiin shirweynaha xisbiga.

4. Iyadoo ay innagu soo fool leeyihiin qabashada doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka Somaliland oo ah laba doorasho oo isa saaraan, culays badana leh, una baahan diyaargaraw aad u u badan, iyadoo uu shirweynuhu u baahan yahay waqti iyo diyaargaraw ballaadhan,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post