X
    Categories: Warar

Shirkii Garoowe Ee Madaxda Dawladda Federaalka Iyo Maamulada Soomaaliya Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

Shirkii Magaalada Garawe ee xarunta maamul goboleedka Puntland uga hoggaamiyaasha dawladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada

Garoowe(ANN)-Shirkii Magaalada Garawe ee xarunta maamul goboleedka Puntland uga hoggaamiyaasha dawladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.

Shirkaa oo Garoowe ka socday lixdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxay dhinacyadu isku fahmi waayeen, in ay heshiis ka gaadhaan arrinta ay ku muransanyihiin ee doorashada iyo mustaqbalka  soomaaliya, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug, kaas oo sheegay in uu fashilmay shirkii Garoowe ka socday.

Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland, ayaa dib ugu noqday maanta magaalada Kismaayo waxaana lafilayaa in Farmaajo iyo Kheyre ay  dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax guul ah oo laga gaadhay shirka iyo nqtiijo kasoo baxday.

Wararka ayaa sheegaya in Arrimaha dhinacyadu isku khilaafeen ay kamid yihiin qaban qaabada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka maamulka Galmudug.

Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in maamullada Puntland iyo Jubbaland ay diideen ajandayaal ay soo gudbiyeen Madaxweynaha dawladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, kuwaas oo maamul goboleedyada  ka diiday udiidayay in ay wax xidhiidh ah la sameeyaan dalalka dibadda ama ay lamacaamilaan hay’adaha UN-ka, iyagoo aan fasax ka haysan dowladda Federaalka

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo ku ku saabsan shirkaa. Balse, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa markii uu ku noqday Kismaayo faah faahin ka bixiyay shirkii natiija la’aanta ku soo dhammaaday, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Jubbaland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post