X
    Categories: Warar

Dahabshiil Group Oo Maalgaliyey Munaasibadda Caalamiga Ah Ee TEDx Hargeisa

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibaddan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro aqoonyahanno ah, isla markaana ay maalgelisay shirkaddaha Dahabshiil Group ee kala aha Dahabshiil Remittance, Dahabshil Bank, Somtel, eDahab iyo Hyundai ayaa ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ujeedkeeduna wuxuu ahaa sidii da’yarta loogu dhiirigelin lahaa in ay hiigsato mustaqbal wanaagsan iyo hal-abuur.

Munaasibaddu waxay kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana fadhiyey ardey, siyaasiyiin, dhakhaatiir, abwaanno, iyo aqoonyahanno iyo hal-abuur kale. Dadka sida weyn loo wada yaqaanno ee munaasibadda goobjoogga u ahaa waxaa ka mid ahaa Edna Aadan Ismaaciil, Dr. Bulxan, Jaamac Muuse Jaamac, Xasan Cali Daauud, Abdikariim Mooge.

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kusoo bandhigay Munaasibadda Adeegyadda iyo waxqabadka Dahabshiil Group, iyadoo isla goobta loogu furayey Macaamiisha iyo martisharafta Adeegyadda Guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group, Sida eDahab, 4G++, adeegyadda Maaliyadeed ee Baanka iyo Mastercards ka Dahabshiil Bank.

Munaasibadda ayaa ku Bilaabantay Khudbado ay jeediyeen Dr. Bulxan, Jaamac Muuse Jaamac, Nuural Huda Cali Banafas, Cawale Deeqsi, Sami Gabas, Maxamed Yaasiin iyo Xasan Cali Daauud.
Jaamac Muuse Jaamac oo ah qoraa iyo agaasinka Carwada Buugaagta Soomaliland ayaa munaasibadda ka hadlay, wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii bulshada looga dhigi lahaa bulsho wax qorta waxna akhrida, halka ay iminka tahay bulsho wax dhegeysata oo hadalka wax isugu gudbisa. Wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay in munaasabadaha caynkan ah oo kale ah la kordhiyo si ay dhalinyarada iyo aqoonyahanku isula jaanqaadaan, da’yartana loogu dhiirigeliyo hiigsi wanaagsan in ay hayaan u galaan.
Xasan Cali Daauud, oo u ololeeya arimaha bulshada wuxuu tilmaamay muhiimadda ay ku fadhido in rajada la wanaajiyo, hayeeshee, rajo keliya aaney duruufaha nolosha miisaami karin, balse ay muhiim tahay in dadaal la raaciyo si neecaw barwaaqo iyo horumar loo gaadho.

Saami Cabdi Gabas, oo ah ganacsade, ahna hal-abuur dhalinyar, oo khudbaddiisa halku-dheg uga dhigay “hodan noqo hanti la’aan” ayaa tibaaxay in qofku yeelan karo hanti isaga oo aan marka hore wax lacag ah gacan ku haynin, isla markaana ay muhiimaddu tahay in qofku si togan fekerto oo curin iyo hal-abuur yeelato. Wuxuu carabka ku adkeeyey in dhalinyartu aaney cid kale shaqo ka sugin, hayeeshee, ay iyagu isu tashadaan oo ay bilaabaan ganacsiyo ay naftooda iyo saaxiibadoodba ka shaqo galiyaan.

Barkhad Maxamed Kaariye, oo ah wariye ka hawlgala qaar ka mid ah warbaahinta af-Soomaaliga ku hadasha ayaa sheegay in mustaqbal wanaagsan oo uu waddanku gaadho ay ku xidhantahay sida dhalinyaradu ay uga faaideysato wakhtigooda iyo aqoontooda iyo in hiigsiga mustaqbal wanaagsan aan lagu gaadhi karin fadhi iyo hurdo, balse ay tahay in dadaal badan la galiyo, wakhtina loo huro.

Marti sharaf kale oo munaasibadda ka hadashay ayaa da’yarta Soomaaliland kula dardaarmay in maadaama ay yihiin mustaqbalkii waddanka ay dareemaan masuuliyadda ka saaran sidii ay horumar u gaadhsiin lahaayeen dalkooda. Dadkii munaasibadda ka hadlay waxay amaan u soo jeediyeen doorka ay shirkadda Dahabshiil ka qaadatay qabsoomidda munaasibadda, waxayna sheegeen in shirkaddu ay markasta u heelantahay sidii hore loogu marin lahaa bulshada ay u adeegto.

Sacad Muse Abdi
Head of Advertisement
DMT Public Relation & Media

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post