X
    Categories: Warar

Shirkaddaha Dahabshiil Group oo $150,000 ugu deeqay Dadka Daadadku ku Tabaaleeyeen Beledweyne

WARSAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkaddaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan eheladda dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Baladweyne, Berdaale Iyo Gedo.

Iyada oo shirkaddaha Dahabshiil Group mar walba u taagan yihiin daryeelka bulshada iyo kaqayb qaadashada gurmadyada degdegga ah goob kasta iyo goor walba oo loo baahdo, sida abaaraha, fatahaadaha, iwm, waxa Maamulka Guud ee shirkadaha Dahabshiil guddoonsaday in si mug leh looga qayb qaato musiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka ay barakiciyeen fatahaaduhu.

Haddaba, Shirkaddaha Dahabshiil Group, iyaga oo ka jawaabaya baaqyadaa, kana damqaday dhibta baaxadda leh ee soo gaadhey dadka maatida ah, waxa ay go’aamiyeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo qoysaskaasi waxyeelladu soo gaadhey, Waxay Shirkaddaha Dahabshiil Group u garteen in Raashin iyo agab kale oo qiimihiisu wadar ahaan gaadhayo US$150 000 oo ah wajiga hore lala gaadho barakacayaasha Beledweyne, Berdaale Iyo Gedo.

Shirkaddaha Dahabshiil Group waxay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed ee wax haysta, gudo iyo dibedba iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka taakuleynta barakacayaasha ay ku habsatay aafada dabiiciga ah inay ka qayb qaataan gurmadka  iyagoo usoo marin kara khidmad la’aan Akoonka ka furan Dahabshiil ee MUQD0052734 ama eDahab 0623258080, waxana maamulaya akoonaddan Gudidda Ganacsatada waaweyn, Culimadda iyo Shirkadda Dahabshiil.

Wa billaahi Tawfiiq

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post