X
    Categories: Warar

Shirkadda Ugu Caansan Somaliland Qalabka Guryaha Iyo Xafiisyada AL-NuuR Furniture Oo Shaacisay Fursado Muhiim Ah

‘Farxadda Gu’ga iyo Toddobaadka Qoyska’

Hargeysa(ANN)Shirkadda qalabka guryaha iyo agabka xafiisyada ee ALNuuR Furniture ayaa markii ugu horreysay shaacisay barnaamij cusub oo loogu walqalay ‘Farxadda Gu’ga iyo Toddobaadka Qoyska’.

Barnaamijkan oo socon doona muddo hal toddobaad ah ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu abaalmarinayo macaammiisha shirkadda, sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Madaxa Suuqgaynta ee shirkadda ALNuuR Furniture Md. Cabdiqani Maxamed Xuseen.

War-saxaafadeedkaa oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhayna waxa uu u dhignaa sidan:

“Haddii aannu nahay maamulka Shirkadda ALNuuR Furniture, waxaannu halkan ku shaacinaynaa fursado dahabi ah oo muhiim u ah guud ahaan macaammiishayada. Sidaa darteed, si aannu u madhxinno jeebka macaammiishayada, ugana qayb qaadanno farxaddooda, waxaannu samaynnay barnaamij cusub oo aannu walqalnay ‘Farxadda Gu’ga Iyo Toddobaadka Qoyska’.

Fursaddani waxay socon doontaa muddo toddobaad ah (15ka April 2015 ilaa 22ka April 2015). Muddadaa haddii aad hal shay ka iibsato ALNuuR Furniture waxaad heli doontaa shay kale oo bilaash ah, kaas oo aannu ku abaalmarinaynno macmiilka wax iibsaday.

Ø Haddii aad iibsato Cunto waxaad abaalmarin u heli doontaa Tallaagad.

Ø Haddii aad iibsato Hurdo waxaad abaalmarin u heli doontaa Qasaalad.

Ø Haddii aad iibsato Fadhi waxaad abaalmarin u heli doontaa Muraayad Flat Screen ah.

Fursaddan oo aannu ugu talogalnay inaannu kaga farxinno macaammiishayada, waxaannu sidoo kale uga dan leennahay madhxinta jeebabka macaammiishayada.

Ugu dambayntii, waxaannu guud ahaan macaammiishayada ugu baaqaynaa inay ka faa’iidaystaan fursaddaa kooban ee aannu u samaynnay.”ayaa lagu yidhi qoraalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post