X

Shirkadda Ugu Balaadhan Geyiga Somaliland Ee Telesom Oo Bulshada ka Raalligelisay Hakad Ku Yimi Adeegyada Ay Bixiso Qaarkood Oo La Xaliyay

Araweelo News Network.

Hargeysa(NN)-Shirkadda Telesom ee ugu weyn Isgaadhsiinta casriga ee Somaliland, ayaa ka hadashay hakad ku yimi qadar kooban qaybo ka mid ah adeegyada ay bixiso Khamiistii, balse lagu guulaystay xalinta ciladdaa, isla markaana si caadi ah Bulshadu u isticmaalaysay.

Ciladda ayaa saamayn ku yeelatay Adeegga Lacagaha laysugu diro ama wax lagu kala iibsado ee Zaad  iyo Telefoonada  oo ay inta baddan bulshadu bulshadu istcimaasho adeegyada ay bixiso shirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu ballaadhan dhinaca adeegga Isgaadhsiinta Somaliland,

Hase yeeshee adeegyada ayaa caadi kusoo noqday fiidnimadii, waxayna Maamulka Shirkadda Telesom oo ka hadlay bulshada ka siiyeen raalligelin cilladda ku timi qaybo ka mid ah adeegyada ay bulshada u hayso, iyagoo bulshada u ballanqaaday inay sida ugu dhakhsaha badan ku xallinayaan cilladda jirta.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Telesom Keyse Maxamuud Faarax, Maareeye ku-xigeenka Guud ee shirkadda Faarax Maxamed Guure iyo Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Cabdiwahaab Maxamed Xuseen, ayaa bulshada la wadaagay raaligelintaa.

“Waxaanu ka raali galineynaa dhammaan macaamiishayada sharafta leh hakadkii ku yimid isticmaalka adeegyada Telesom. Waxaanu ku guddo jirnaa xalintii iyo cilad saaridii,  waxaanu iidiin balanqaadeynaa in aanu wakhti kooban ku xalinayno ciladda dhacday,” ayay ku yidhaahdeen farriin qoraal kooban ah oo lagu baahiyay ciwaannada ay shirkaddu ku leedahay Baraha bulshada.

 Dhinaca kale, gooor sii horaysay Wasaaradda Isgaadshiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland oo ka hadashay arrintaa ugu baaqday dadweynaha in la sameeyo dulqaad inta la xalinayo ciladda.

Qoraal kooban oo ay wasaaraddu ku baahisay booggeeda Facebook, waxa ay sheegtay inay arrintan kala hadleen maamulka shirkadda Telesom,  isla markaana xidhiidhka ay la sameeyeen wasaarad ahaan ay shirkaddu u xaqiijisay inay gacanta ku hayaan xalinta ciladda.

“Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyaddu waxa ay xidhiidh kala samaysay maamulka shirkadda Telesom,  isla markii ay ciladdu ku timi qayb ka mid ah adeegyada ay bixiso. Maamulka shirkaddu waxana  noo xaqiijiyeen inay xallinteeda gacanta ku hayaan, muddo koobanna ay ku dhammaystiri doonaan. Sidaa awgeed waa in la sugo inta shirkaddu xalinay, ayay lagu yidhi farriinta qoraalka ah ee wasaaradda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post