X
    Categories: Warar

Shirkadda Telesom oo Samaysay Qiima-dhimistii Ugu Weynayd Ee Soo Jiidata Dareenka Bulshadda iyo Barnaamijka Abaal-marinta Ee Aroos wacan

Hargeysa (ANN)– Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa daah-furtay adeegyadda KAAFIYE iyo AROOS WACAN, kuwaas oo noqonaya adeegyo  ay  bulshaddu si weyn baahi ugu qabeen oo lasoo bandhigay xlli ay ku habboonayd.

Munaasibad daah-furka shirkaddu kusoo bandhigtay adeegyadan, ayaa lagu qabtay xarunta shacabka Magaalada Hargeysa ee shirkadda Telesom ku leedahay halkaa.

 

Adeegga KAAFIYE , oo ah adeeg qiima-dhimistii ugu balaadhan lagu sameeyey, waa  ku hadalka iyo dirista fariimaha gaagaaban. Adeeggan ayaa macmiilka u sahalaya inuu bishan oo dhan ku haddlo lacag dhan $7. toddoba dollar oo keliya.

Telesom Adeegga KAAFIYE oo ah adeeg qiimo-dhimista balaadhan lagu sameeyey Araweelo News Network 27 July 2020.

Maamulaha Suuq-geynta ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegga KAAFIYE. Adeegan oo qofku kaga shuban karo adeegga ZAAD, isagoo isticmaalaya qaybta dollar-ka, *808# ka dibna dooranaya KAAFIYE, halka uu shilling-kana kaga shuban karo *202#.

 

 

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyaradda guur-doonka ah. Abaal-marinta oo lagu magacaabay AROOS WACAN.


Telesom Barnaamijka Aroos wacan ee shirkadda Telesom samaynay Araweelo News Network 27 July 2020.

Agaasimaha Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax oo sharaxaya abaal-marinta ayaa yidhi, “Barnaamijka AROOS WACAN waa barnaamij loogu talo-galay in lagu taageero dhalinyaradda aan wali guursan ee u baahan inay qoys dhisaan. Barnaamijkani wuxuu bartilmaameedsan doonaa lixda bilood ee ka hadhay sannadka, in la dhiso 30 qoys ama 60 lamaane oo laga bixiyo kharashka arooska oo uu ugu muhiimsan yahay in loo iibiyo agabka guriga oo dhan, in laga bixiyo kiradda guriga oo lixda bilood ah iyo waliba in loogu daro masaariif lixda bilood ah”.

AKHRI: Shirkadda Telesom Iyo Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Somaliland Oo Wadajir U Daah-furay Isticmaalka Adeegga Tabsera

Haddaba barnaamijkan Abaal-marinta AROOS WACAN oo ah mid aannay wax shuruud ah ku xidhnayn, waxaa lagaga qayb-gali karaa habka fariimaha gaagaaban, waxaanu qofku fariin ah “AROOS” u dirayaa lambarka gaaban ee  “111” fariintuna waa mid bilaash ah.

Adeegyada Shirkadda Telesom soo bandhigtay maanta oo si weyn markiiba ay Bulshadu ugu riyaaqday, isla markaana si weyn usoo jiitay shucuurta Bulshada Somaliland, ayaa markii ay maqleen inta badan dadka isticmaala baraha Bulshaddu waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin tallaabooyinka adeegyadda cusub ee shirkaddu, iyadoo Shirkaddu doonaysa in ay raali-geliso mar walba macaamiisha iyo bulshada ay u addeegto.

 

 

Halkan Ka Daawo munaasibada lagu daah-furay adeegyadaa Oo Faah-faahsan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post