X
    Categories: Warar

Shirkadda Soamaliland Global Tech Solutions Oo Soo Bandhigtay Adeegyada Ay Qabato IyoQorsheeda Tignoolajiga Casriga

Maamulka iyo hawlwadeenada shirkadda Global Tech Solutions ee loo soo gaabiyo (GTS) Araweelo News Network 7 Sep 2019

Hargeysa(ANN)– Shirkadda Global Tech Solutions ee loo soo gaabiyo  (GTS)  ayaa  Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), kusoo bandhigtay adeegyada ay qabato, waxaana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo booqday goobta ay shirkaddu kusoo bandhigtay adeegyada ay qabato sharaxaad ka siiyay  Eng. Khaalid Sheekh Muxumed oo ka waramay waxyaabaha ay shirkadda GTS qabato.

Madaxa Shirkadda Global Tech Solutions ee loo soo gaabiyo  (GTS)  Eng.  Khaalid Sheekh Muxumed oo  Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), ee Hargeysa ka furmay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland u sharaxaya adeegyada ay qabtaan. Araweelo News Network 7 Sep 2019.
Eng. Khaalid Sheekh Muxumed Araweelo News Network 7 Sep 2019

Eng. Khaalid Sheekh,  wuxuu isagoo ka hadlaya adeegyada ay qabtaan yidhi, “Waxa shirkadda Global Tech Solutions ee loo soo gaabiyo  (GTS)  ay samaysaa Softiwere, Mobile applications, mana  aha qaybtan Tignoolajigu shirkaddaha Isgaadhsiinta oo keliya,  balse waa waxyaabaha ay isticmaalo ee ku shaqayno, tusaale ahaan Goobaha ganacsiga, sida Dugsiyada waxbarashadda, jaamacaddaha, Huteelada, waxay u baahan yihiin adeegyada aanu qabano, waana shirkad Somaliland ah oo ka jirta gobolada dalka inta badan.” Ayuu yidhi, Eng. Khaalid.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay qayb weyn ka qaateen shaqo abuurka oo shaqooyin u sameeyeen dhalinyaro badan, isla markaana ay ganacsiyo badan u sameeyeen fududaynta sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen Tignoolajiga, iyadoo ay shirkad ahaan u sameeyeen Softiwere iyo  applications  ay gaar u leeyihiin.

Eng. Khaalid Sheekh Muxumed Araweelo News Network 7 Sep 2019

Madaxa Shirkadda Global Tech Solutions, Eng. Khaalid, ayaa sidoo kale sheegay inay ka qaybqaadanaayan adeegyada Bulshada iyo sidii dawladdu uga dhigi lahayd adeegyadeeda qaab Computers ah oo fududaynaya adeegyada dadka loo qabanayo si looga baxo nidaamka iska daba-wareega ah ee xafiisyada dawladda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post