X
    Categories: Warar

Shirkadda Sahal Tech Oo Soo Bandhigtay Adeegyada Ay Qabato

Shirkadda Sahal Tech

Hargeysa(ANN)– Shirkadda Sahal Tech Tignoolaji  oo ka qaybgashay shirkaddaha dhanka Adeegyada Tignoolajiga ee Somaliland,  ayaa  Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), oo saaka ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kusoo bandhigtay adeegyada ay qabato.

Guddoomiyaha Shirkadda Sahal Tech Tignoolaji, Eng. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil, ayaa sharaxaad ka bixiyay adeegyada ay qabtaan, isagoo marka horre xusay inay yihiin shrkaddii ugu horreysay ee dhanka Tignoolajiyada ee fulisay adeegii diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland ee ugu danbeeyay.

Eng. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil, oo warbixin siinayay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan cabdullaahi Ismaaciil Seylici, oo booqday goobta ay shirkaddu kusoo bandhigtay adeegyada ay qabato, ayaa yidhi, “Sahal Tech, waa shirkaddii ugu horraysay ee Tignoolajiga , waxa uu garanayaa qof walba inay tahay shirkaddii diiwaangelinta Casriga ah ka samaysay Somalilland doorashadii u danbaysay ee Somalilland oo qof walba dareemayo sida loo adlkeeyay,  waana shirkadda ugu weyn ee samaysaa Softiwere-da , waxa kale oo aanu samaynay adeega cashuuraha lagu ururiyo iyo waxyaabo badan oo kale. oo ay ka mid yihiin Shirkadda DP World oo aanu xilligan u diyaarinayayno nidaam ay kaga shaqaynaayan shan wadan oo aduunka ah.” Ayuu yidhi, Eng. Cabdirashiid Maxamed .

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post