Araweelo News Network
mubaarikdawooyinka1

Hargeysa (ANN)-Shirkadda Dawooyinka ee Mubaarak Pharmaceutical Company ayaa loogu markhaati furay inay dalka keento dawooyinka ugu tayada wanaagsan. xafladd ballaadhan ku soo maamuustay soo dhaweynta Dawooyinka Vitaminada ah ee ay samayso shirkadda Dawooyinka ee Vitane oo laga leeyahay dalka Germany,munaasibaddii soo dhaweynta barnaamijkaasi oo si quruxbadan loo soo nidaamay oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel-maan-oor waxaa ka soo qaybgalay,Gudoomiyaha Shirkadda Mubarak Farmasi Dr Yuusuf Ducaale Barre,Dr Kamaal Abdi Ladiif oo ka socday shirkadda Vitan ee ay wakiilka Mubarak Company,raxan ka tirsan ururka midawga dhakhaatiirka Carabta,xubno ka tirsan dhakhaatiira Somaliland,Gudoomiyaha hay’adda mihnad-layaasha caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday,shirkadaha Dawooyinka ka iibsada shirkadda Mubaarak iyo dadweyne kale.

furitaankii shirkaa waxaa ka hadlay Mr Jaamac Ducaale waxaanu ka soo qaybgalayaashii shirkaasi u bayaamiyey ujeeddada xafladdani iyo nuxurka ay huwantahay isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “dhamaantiinba waan idiin ka mahadcelinayaa sida quruxdabadan ee aad uga soo qaybgasheen munaasibadda xafladda soo dhaweynta Dawooyinka Vitaminada ah ee ay samayso shirkadda Vitane oo ay shirkadda Mubaarak wakiilka u tahay” ka dib eraydaasi waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha shirkadda Mubaarak Dr Yuusuuf Ducaale Barre waxaanu Dr Ducaale ka warramay taariikhda dhinaca wada shaqaynta ah ee ka dhexeeyey muddooyinkii la soo dhaafay shirkadda Mubaarak iyo Vitane waxaanu sheegay ilaa 8 dii sano ee la soo dhaafay inay lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo xagga wax kala iibsiga Dawooyinka ah iyada oo ay taasi horseedday inay markiidanbe Mubaarak Vitane u noqotay wakiilkeeda rasiga ah ee Somaliland iyo koofrunta iyo badhtahay Somaliya.
mubaarikdawooyinka2
waxaanu Dr Ducaale ka mahad-celiyey inay martidii kaladuwanayd ee ay soo casuumeeno si fiicanu soo ajiibeen yeedhiddii loogu yeedhay xafladdaasi intaa ka dib ka warbixiyey shirkan iyo ujeedadii loo qaybtay waxaanu yidhi “waxaanu ku faraxsannahay inaad nagala soo qaybgasheen xafladdani oo ay ujeedadeedu tahay inaan caawa halkan ku soo bandhigo Dawooyinka ay samayso shirkadda Vitaminada ah ee ay samayso shirkadda Vitane ee dalka GERMANY” ayuu yidhi Dr Ducaale.
mubaarikdawooyinka3
Dhanka kalana waa uu xusay inay Dawooyinkan shirkadda Vitane leeyihiin qaybo kaladuwan sida Vitamiinada oo dhan iyo qaybokale oo muhiim u daweynta iyo caafimaadka bulshada isaga oo arrimahaa sharraxaad ka bixinayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “sida aad ka arkidoontaanwarbixinta Dr Kamaal Cabadi Ladiif Dawooyinkani waxay leeyihiin qaybo kaladuwan oo aad muhiim ugu ah caafikaadka iyo nolosha bulshada waana Dawooyin tayo leh oo lagu soo sameeyey warshada dalka Germany”
mubaarikdawooyinka4
Dr Ducaale waxa uu tilmaamay inay Dawooyinkani qofka cuna ka caawinayaan la dagaallanka dhiigg-la’aanta,lafo-xanuunka,dhiigg-yaraanta,caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo guud ahaanba caafimaadka bulshada,waxaanu caddeeyey inay ka Mubaarak ahaan hadd iyo jeerba isku taxallu-jiyaan inay ka duwanaadaan inta badan shirkadaha kale ee ka ganacsada Dawooyinka kuwaasoo sida aan la socono bulshada ka iibiya Dawooyinka farabadan balse aan tayadii laga rabay lahayn isla markaana ay xidhiidh la yeeshaan shirkadaha sameeya Dawooyinka ugu tayada wanaasgan sida shirkaddan Vitane oo Germany laga leeyahay iyo kuwokale oo laga leeyahay dalka Turkiga oo waxbadan la mahadiyey Dawooyinkiida si ay bulshada ugu keenaan Adeegg-caafimaad oo la soo hubiyey tayadiisa iyo Dawooyin laysku hubo waxtarkooda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “annagu inta badanba waxaanu isku daynaa inaannu intabadanba raadino shirkado soo saara Dawooyin tayo wanaagsan leh isla markaana ay dadkeenu awoodi karayaan inay iibsadaan oo aan qaali ku sii ahayn
mubaarikdawooyinka5
Dr Ducaaale waxa uu ka sheekeeyey goortii ay uu soo bilaabmay xidhiidhkii ugu horeeyey ee sida tooska ah u dhexmaray Shirkaddiisa Mubaarak iyo shirkaddan Vitane waxaanay ahayd sanadkii 2006 markii ay wada hadleen mulkiilaha warshadda samaysa Dawooyinka Vitane isla markaana si wada jira hoosta uga xarriiqeen inay wadayeeshaan xidhiidh gancsi oo ku taagan tiirar adagg kaasoo ilaa hadda u shaqaynaya sidii loogu talo galay isla markaana ay shirkadda Mubaarak ka soo iibato sanadkiiba Dawooyin trobadan oo tayana leh isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “markii ugu horeysay ee aannu sida tooska ah u wada xidhiidhnay mulkiilaha warshadda samaysata Dawooyinka Vitan waxay ahayd sanadkii 2006 waxaanan ku soo bilawnay sanadkii 2008 –deedii safarkii ugu horeeyey ee Dawooyinka shirkadda Vitane”
mubaarikdawooyinka6
Ducaale waxa uu sheegay wixii markaa ka dambeeyey inay maamulka Vitane isla qaateen inay Somaliya iyo Somaliland-ba iyagu wakiil uga noqdaan gaadhsiinta Dawooyinkooda ay soo saaraan waxaana hadalladiisii kamid ahaa “markii dambe waxaanu noqonay wakiilka shirkadda Vitane ee Somaliland iyo Somaliya oo dhanba ilaahay mahadiisa si fiican baanay shaqadaasi noogu soo socotay ilaa haddana ay u socotaa” waxa uu sheegay hadda inuu Somaliland yimid ninkii shirkadda Vitane u qaabilsanaan suuq-geynta iyo iibka Africa iyo Bariga dhexe Dr Kamaal Cabdi Ladiif waxaanu xusay inuu Dr Kamaal laftiisu ka warramidoono waxsoosaarka xagga Dawooyinka tayada leh ee Vitane “hadda waxaa inalajooga oo dalka yimid madaxa iibka iyo suuqgeynta ee shirkadda Vitane Dr Kamaal isaga ayaana inooga warramidoona waxsoosaarka Vitane iyo Dawooyinka ay sameeyaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Mubaarak Pharmaceutical Company Yuusuf Ducaale Barre.
mubaarikdawooyinka7
Inkastoo sida uu sheegay ay ka Mubaarak ahaan hadafkoodu yahay inay bulshada u keenaan Dawooyin tayo leh oo hadana ay bulshadu awoodi karayaan inay iibsadnaan haddana waxa uu sheegay iyaga dadaalkooda iyo warshadaha soo saara Dawooyinkaasi fiican inaanay waxbatarayn haddaanay dhakhaatiirka iyo bulshada kaleba la xidhiidhan isla markaana aanay ka iibsan Dawooyinkaasi ay keenaan aanay hawshaa sii wadikarayn sababtoo ah waan in suuq loo helaa marka ay Dawooyinkaasi dalka keenaan waxaana hadalladiisii kamid ahaa “sidii aan horeyba idiinku soo sheegay annagu ka Mubaarak ahaan waxaanu isku daynaa inaannu keenno Dawooyin waxtarleh balse runtii haddii aanay dhakhaatiirka iyo dadka kale ee manaafacaadsada Dawooyinku arrintaa nagala shaqayn “inay naga iisadaan” annaga iyo qolyaha kale ee soo saara waxay noqonaysaa inaan la wadikarin”
mubaarikdawooyinka8
Gudoomiyaha shirkadda Mubaarak Company waxa uu hadalkiisa ku soo afjaray erayo qiimobadan oo laga dheehankarayo sida ay Mubaarag uga go’antahay inay macaash helaan balse aanay bulshaduna ka cabanin qiimahooda iyo sicirka ay Dawada ka siinayaan iyada oo aanay meesha ka madhnayn hadd iyo jeerba inaanay eegin uun inay dalka soo galiyaan Dawooyinka ugu qiimaha jaban oo aan tayo bandanna lahayn balse ay isu miisaamaan tayada Dawada ay keenayaan iyo xagga naxariista shacabka ka iibsanaya iyo inay il-naxariiseed ku eegaan isagoo arrimahaa ka hadlayena waxa uu yidhi “runtii dadkeennu waxay soo mareen xilliyo aanay waxbaba ku waydiinjirin “tayo iyo tayo la’aan toona” oo ay iska qaadan jireen Dawada balse hadda ilaahay mahadiisa waan ka soo kabanay marxaladdii noocaa ahayd oo dakdii waxy kala garanayaan Dawadii tayada lahayd iyo tii aan lahayn oo iyagaa kuwaydiina taydoonaan laakiin waxaan farayaa dhakhaatiirtiina halkaa fadhida iyo kuwa inaga maqanba inaynaan eegin uun qiimaha Dawada u qiimahajaban uun e waa inaynu dadka u keenna waxtayo leh oo ay bulshaduna awoodi karayaan inay iibsadaan oo aan ku dhib ahayn innaguna aynu habayaraadee wax uun ka macaashi karayno”
mubaarikdawooyinka9
Waxaa madasha xafladdaasi ka hadlay isla markaana ku soo bandhigay warbixin qiimo badan oo la xidhiidhay Dawooyinka ay soo saarto shirkadda Vitane ee dalka Germay madaxa suuqgeynta iyo iibka Africa iyo Bariga dhexe u qaabilsan Dr Kamaal Cabdi Ladiif waxaanu warbixintiisa oo maqal iyo muuqaal ahayd ku soo bandhigay shirkaasi isaga oo waxbadan ka sheekeeyey tayada Dawooyinka Vitane iyo sida ay bulshadu ugu caafimaadayaan hadday isticmaalaan qaybahaka kaladuwan ee Dawooyinkooda ay soo saaraan “sharafweyn bay u tahay aniga iyo shirkadda Vitan ee aan u qaabilsanahay suuqgeynta iyo iibka Africa iyo Bariga dhexe inaan caawa idin la wadaado Dawooyinka aannu soo saarro iyo tayadoodaba” ayuu yidhi Dr Kamaal.
mubaarikdawooyinka10
Dr Kamaal waxa uu daawada yaashii xafladdaasi hortooda ku soo bandhigay Sharoobbooyin Vitamin ah oo aan jabayn haday hadday xattaa dhulka kaga dhacaan qofku marka uu isticmaalayo iyo qaarkamid ah kuwa indhaha loo isticmaalo oo sidaas oo kale aan jabayn si kastaba hadday dhulka ugu dhacaan kuwaasoo loosameeyey hab casri ah oo ka difaacaya inay jabaan “haddana waxaan idin tusayaa qaarkamida Dawooyinka aannu soo saarro (Shroobbada) oo hadday ka dhacaan caruurta iyo dumarka iyo qofkastaba markay isticmaalayaan aan jabaynin” ayuu yidhi waxaanu dadkii daawanayey hortooda dhulka ku dhuftay Xabadd Shaboobo ah kadibna waxa uu soo qaaday iyada oo aan jabin oo sideedii ah,waxaakale oo uu Dr Kamaal isla sidaasoo kale dhulka ugu dhuftay qaruurad yar oo ay ku jirtay Dawada indhaha “ eye drop” taasoo jabi wayday intuu dhulka ku dhuftay.
mubaarikdawooyinka11
Dr Kamaal waxa uu sheegay qaruuradaha aan jabaynin ee ay Dawadu ku jirto inay ka karagg furayso tayada iyo awoodda Dawooyinka ay soo saaraan taasoo sacabka loo garaacay kadib markay dadweynihii xafladdaasi daawanayey ka yaabeen Qaruuradaha aan jabayn dhulka hadday ku dhacaan,waxaa isna halkaa ka hadlay Dr Maxamed Cabdi “Xergeeye” oo ah madaxa qaybta TB da ee Hargeysa Hospital waxaanu shirkadda Mubaarag ku ammaanay inaysan raadin kaliya macaash ay ka helaan bulshada balse ay marka hore raadiyaan Dawooyin tayo leh inay bulshada u keenaan taasoo meesha ka saari karta inay dadku bogsan waayaan si kastoo ay Dawada u isticmaalaan,Dr Xergeeye waxa uu sheegay hadday dadku isticmaalaan Dawooyinka ay keenaan Mubaarak ee tayada leh inuu kharashka Dawadaasi noqon karo ugu badnaan $100 doolar oo kaliya waa qofka Qaba xanuunka TB da ee feedhaha ku dhaca laakiin sida loo badanyahay hadday qaadan waayaan Daawo tayo leh sida tan ay Mubaarak keenaan oo kale inuu khaashkoodu ku kacayo ilaa $6000 oo doolar waa sida uu hadalka u dhigay e “Shirkadda Mubaarak waxaan ku ammaanayaa inay danahooda ka horeysiiyaan danaha shacabka oo markahoraba ay dadka u keenaan Dawooyin tayo leh oo wax ka taraya cudurrada ku haya” ayuu yidhi Dr Xergeeye.

mubaarikdawooyinka14
Dr Maxamed Sheekh Cabdillaahi oo ku magacdheer “walaaleeye” kana mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee caanka ah gaar ahaana sida oo sheegay aadka looga yaqaanno Gobalka Togdheer oo madashaa ka hadlay waxa uu sidookale Mubaarak kula duldhacay ammaan iyo Bogaadin farabadan kaalinta ay bulshada ugu jiraan inay Dawooyin waxtarleh bulshada u keenaan awgeed hasayeeshee waxa uu meesha ka saaray inuu aqoon fiican u leeyahay shirkadda Mubaarak hogaandeeda sare iyo shaqaale hoosaadkeeeda toona balse ay soo jiidatay oo kaliya inuu arkay tayada Dawooyinka ay dadka u keenaan “waxaan aad iyo aad u ammaanayaa shirkadda Mubaarak Company inay dalka keenaan Dawooyin tayo leh runtii oo wax u taraya bukaanka marka loo qoro” ayuu yidhi Dr Walaaleeye.
mubaarikdawooyinka13
Waxaanu intaa ku daray “hadaad moodaysaan inaan aqoon ku ammaaanayo shirkadda Mubaarak il-aragg uun mooyee wax aqoon ah oo aannu isu leenahay ma jirto balse waxaan ku ammaanayaa kaliya inay bulshada u keenaan had iyo jeerba Dawo-tayo leh” ayuu yidhi waxaanu khakhaatiirta Somaliland ku canaantay inay mihnaddooda caafimaadka midayn waayeen oo ay sidii dadka kale qabaa’ilkooda ku milmeen halkii laga rabay inay ka madhnaadaan arrimaha beelaysiga iyo la safashada qabiilka isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxkastaba waynu beelaynay oo qabiilbaynu ka dhignay xattaa caafimaadkiina dhahoo oo waxaad arkaysaa hadda Abaarihii baynu kujirraaye qabiil waliba inuu samaystay Guddi u gaar ah oo ilaa qurbihii beelaysan oo reerkooda oo kaliya uun u gurmanaya waar ma beentaybaa” Maya maya maya waa runtaa” ayaa ka yeedhay madashii fadhigaasi.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Dr Mustafe Axmed Saadaq oo ah la taliyaha arrimaha caafimaadka ee ururka midawga dhakhaatiirta Carabta waxaanu sheegay ka dhakhaatiir ahaan inay ku faraxsanyihiin xidhiidhka gacasiga ee ay la leeyihiin shirkadda Mubaarak iyo inay ku qanacsanyihiin ilaa hadda tayada Dawooyinka ay soo dajiyaan ee kaladuwan waxaanu masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Mubaarak Company ku sheegay inay yihiin muwaadiniin dadkooda u diirnaxaya kana fikiraya sida qawaaniinta caalamiga ahi dhigayso tayada Dawooyinka ay bulshda ka iibinayaan inay ka fikiraan “Masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee shirkadda Mubaarak waxay ku ammaanan yihiin inay dadkooda ka firikayaan caafimaadkiisa oo ay u keenaan Dawooyin tayo leh” ayuu yidhi Dr Mustafe Axmed Saadaq.

Agaasimihiihore ee Dhakhtarka Hargeysa Dr Yaasiin Carab oo isna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka la keeno Shaybaadhkii lagu baadhi lahaa tayada Dawooyinka dalka la keenayo si meesha looga saaro inay cidwaliba keento waxay rabaan sida taa lagu gaadhi karana waxa uu ku sheegay marka hore in la helo dhakhaatiirtii arrimahaa aoonta u lahayd waxaanu maamulka shirkadda Mubaarak iyo shirkadda ay wakiilka u yihiin ee Vitane ee dalka Germany ku boorriyey inay si wadajira u tabobaraan dhakhaatiirta Somaliland sida loo shaybaadho Dawooyinka waxaanu yidhi “caawa hadal badan loogama baahna madashan balse waxaan isleeyahay waxaa loo baahan yahay in dalkeenna la keeno habkii Dawada lagu shaybaadhayey si loo ogaado tan tayada leh iyo tan aan lahayn”

Isaga oo wali hadakiisa sii watada Dr Yaasiin waxa uu yidhi “shirkadda Mubaarak iyo Dr Kamaal oo ka socda Shirkadda Vitane waxaan idinka codsanayaa inaand ku tabobartaan dhakhaatiirta Somaliland sida loo shaybaadho Dawooyinka oo loo kalasaaro midda aan tayada lahayn iyo midda fiican ee waxtarka u leh bulshada”

Gabagabadii xafladdaasi waxaa soo xidhay Dr Axmed Xaashi Nuur “Oday” oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Mihnad-layaasha xirfadaha caadfimaadka ee Somaliland waxaanu sheegay inuu Shirkadda Mubaarak tan iyo xili-dheer xidhiidh la lahaa markii uu ahaa Agaasimihiihore ee wasaaradda Caafimaadka “anigu shirkadda Mubaarak waxaanu is barannay xilihore markii aan ahaa agaasimihiihore ee wasaaradda caafimaadka waxanan ogaaday inay Dawada ka keenijireen dalka Joordan oo kamid ah waddamada soo saaras Dawooyinka ugu tayada wanaasgan ilaa hadana sidiibaan macmiil ugu ahay Dawooyinkoda oo waa ka iibsadaa” ayuu yidhi Dr Oday,dhanka kalana waxa uu xusay inay jiraan dad kushaqaysta magaca dhakhtarnimada balse aan u qalmin kuwaasoo dalka keenayaa Dawooyinka ay doonaan “anigu waxaan ogahay oo aan u soo taagnaa nin aanu baadhnay aqoontiisa dhakhtarnimada iyo Dawooyinka oo keenayo kaasoo markii dambe Dawooyinkii uu keenayey aannu ka daadinay oo aanu nidhi isku uruuri oo qashinka ku darr base aanu gadaal ka ogaanay inuu dib u soo gurtay Dawooyinkii aanu ka daadinay oo uu markale u samaystay labels “waraaqaha lagu qoro macluumaadka Dawada iyo taariikhda goorta ay dhacayso” ayuu yidhi.

mubaarikdawooyinka9
Dr Oday waxa uu dhakhaatiirka Somaliland ku boorriyey inay la xidhiidhaan Shirkadda Mubaarak oo ay ka soo iibadaan Dawooyinka tayada leh ee ay keenaan isla markaana waxa uu ku canaantay dhakhaatiirta Soomaliland inay yihiin qaar xaasidiin ah oo aan doonayn inay cidkalebba macaashto iyaga mooyaane waxaanu tusaale u soo qaatay inay dhakhaatiirta qaarkood bukaanka warqadda Dawada ugu qoraan FAR qalqalloocan oo aanay iyaga “dhakhatra ka qoray” m ooyee xattaa dhkhaatiirta kale fahmayn farta qalqalloocan ee agu si isaga uun Farmasigiisa looga iibsado Dawadaasi waxaanu u soo jeediyey inay aaminaan Risiqa ilaahay u qoray oo ay dadka ka daayeen farta qal-qalloocan ee ay u mal-maluuqayaan isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan leeyahay innaguna “shacabka” aynu taxadarro dhakhaatiirteenuna yaanay isku koobin nin waliba uun farmasigiisayar eemeeshisa ku yaalla waxaan ogahay inay qaarkood qoraan FAR aan LATINE “Ingiriis” kaasina waxaa meel ugu xidhan ka Farmasigiisa u yaha wuxuuna ka fikirayaa haddii kaasi ka tago siduu hadhaw u tabobari lahaa ka kale ee u yimaadda” ayuu yidhi Dr Xaasho Oday waxaanu ku dhiirri geliyey dhakhaatiirta Somalilan iyo kuwa Carbeedba inay dadka u qoraan Dawooyinka tayada leh ee ay soo dajiyaan Mubaarak Phamaceutical Company si day bulshadu u hesho Dawooyin tayo leh oo markiiba wax ka taraya cudurradii ay ka cabanayeen “Dhakhaatiirta Somaliland iyo kuwa kale ee Carabtaba waxaan kula talinayaa inay dadka u imanaya ee bukaanka ah u soo qoraan Dawooyinka tayada leh sida kuwan ay keenaan Mubaarak oo kale” ayuu yidhi Gudoomiya ururka Mihnadd-layaasha xirfadaha caafimaadka Somaliland Dr Axmed Xaashi Nuur “Oday”