X
    Categories: Warar

Shirkadda Ku Guulaysatay Qandaraaska Keenista Kaydka Raashinka Qaranka Oo La Shaaciyay

Hargeysa(ANN)-Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa  sheeciyay shirkadda ku guulaysatay keenista Raashinka Hay’adda Kaydka Raashinka, Diyaargarawga  iyo Aafooyinka  Qaranka Somaliland, waxaana munaasibad lagu sheeciyay shirkadda ku guulaysatay lagu qabtay xarunta Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sharaxaad ka bixiyey hannaanka loo maray Qandaraaska  Raashinka, shirkaddaha ku tartamay iyo shirkadda ku guulaysatay, wuxuuna sheegay in Afar shirkadood ku tartameen, isagoo xusay in laba ka mid ah aannay iman oo ay habsaameen sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.

“Afarta shirkadood ee ku tartamay laba way habsaameen, waxaana  ku tartamay oo isu soo hadhay Caalami General Trading  iyo Amal Multi Service waxaana ku guulaysatay  Amal Multi Sirvoce oo qiimaha ay soo qortay iyo mudada ay ku keenay oo 48 saacadood ah  ku keenay” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ka hadlayay munaasibada lagu shaaciyay qandaraaska.

Dhinaca kale waxa halkaa ka hadlay,Axmed cabdi Axmed oo sheegay inuu ka socday shirkadda Caalami General Trading, ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan oo ay u haniyeeyeen shirkadda ay la tartamayeen.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Cismaan Caydiid Caabi oo ka socday shirkadda Afka Shirkadda Amal Multi Service ee ku guulaysatay, wuxuuna sheegay inay balanqaadayaan inay mudadaa ku keenayaan raashinka, isagoo ku amaanay guddida Qandaraasyada sidii ay u maamuleen tartanka uu ku guulaystay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post