Hargeysa(ANN)-Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa sheeciyay shirkadda ku guulaysatay keenista Raashinka Hay’adda Kaydka Raashinka, Diyaargarawga iyo Aafooyinka Qaranka Somaliland, waxaana munaasibad lagu sheeciyay shirkadda ku guulaysatay lagu qabtay xarunta Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Hargeysa.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sharaxaad ka bixiyey hannaanka loo maray Qandaraaska Raashinka, shirkaddaha ku tartamay iyo shirkadda ku guulaysatay, wuxuuna sheegay in Afar shirkadood ku tartameen, isagoo xusay in laba ka mid ah aannay iman oo ay habsaameen sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka.
“Afarta shirkadood ee ku tartamay laba way habsaameen, waxaana ku tartamay oo isu soo hadhay Caalami General Trading iyo Amal Multi Service waxaana ku guulaysatay Amal Multi Sirvoce oo qiimaha ay soo qortay iyo mudada ay ku keenay oo 48 saacadood ah ku keenay” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ka hadlayay munaasibada lagu shaaciyay qandaraaska.
Dhinaca kale waxa halkaa ka hadlay,Axmed cabdi Axmed oo sheegay inuu ka socday shirkadda Caalami General Trading, ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan oo ay u haniyeeyeen shirkadda ay la tartamayeen.
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Cismaan Caydiid Caabi oo ka socday shirkadda Afka Shirkadda Amal Multi Service ee ku guulaysatay, wuxuuna sheegay inay balanqaadayaan inay mudadaa ku keenayaan raashinka, isagoo ku amaanay guddida Qandaraasyada sidii ay u maamuleen tartanka uu ku guulaystay.