Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa abaalmarinno guddoonsiisay 42 qof oo ka mid ah macaamiisheeda oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidammada Somaliland oo ku guulaystay abaalmarin shirkaddu ugu talogashay inay shan macmiisha telefoonnada dibadda ku hadla kaga bixiso kharashka gudashada Cimrada ee sannadkan 2017.
Munaasibad loo sameeyey bixinta abaalmarinaha HANO HADIYADDAADA iyo JIDKA MAKKA oo lagu qabtay xarunta guud ee shirkadda Telesom ee magaalada Hargeysa todbaadkan, waxa ka qaybgalay macaamiisha ku guulaystay abaalmarinta iyo masuuliyiinta sare ee shirkadda.
Maamulaha Suuq-gaynta ee Telesom Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar), ayaa ugu horreyn sharraxaad ka bixiyey noocyada abaal-marinta shirkaddu ugu talogashay bishan barnaamijka HANO HADIYADDAADA.
“Barnaamijka Hano waa barnaamij aannu ugu talo-galnay macmiisha internet-ka ka isticmaala moobayladooda inay shirkaddu ku abaal-mariso 42 macmiil bil walba hadiyado kala duwan. Hadiyadaha lagu helayo waxa ka mida: qasaalado, talaagado, qalinka quraanka akhriya, Somgasta raashinka lagu karsado, shandaha lagu qaato koombuyuutarrada, taabladyada wax lagu akhristo ee internet-ka lagu isticmaalo,” ayuu yidhi Mr. Aar.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanay abaal-marintani ku koobnayn oo kaliya macmiisha shirkadda Telesom ee ku sugan gobolka maroodi-jeex ee caasimadda dalku ka tirsan tahay, balse ay abaal-marintan ka wada qayb-galeen dhammaan macmiisha kala duwan ee shirkadda ee ku kala nool goboladda dalka oo dhan.
Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom, Maxamed Cabdi Darbo, ayaa isna ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom kaga jirto arimaha horumarinta bulshadda, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay markastaba macmiisheeda ku celiso wax ka mid ah faa’iidadii ay ka heshay iyadoo kaga qayb-qaadana qaybaha horumarinta danta guud iyo taakulaynta abaaraha ee dalka ka jira.
“Shirkaddani waa shirkadda shaqo-abuurka ugu badan dalka bixisa ee shaqaalaysa shaqaalaha ugu faraha badan ee waliba ah dad aqoon leh. Waa shirkadda nolosha qaybaheeda kala duwan ka kaabta ummadda, waana shirkadda had iyo jeer u damqata u adeegidda bulshadeeda qaybaheeda kala duwan. Waxay bixisaa waxyaabo aad u badan oo ay ka mid tahay waxbarashadda, waxay kalooy bixisaa kaalmooyinka gaarka ah. Waana shirkadda ugu cashuur bixinta balaadhan dalka.” Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo oo ah maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.
Maamulaha Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom Mr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Yuusuf (Shaqalle) ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey dhammaan macmiisha shirkadda oo uu tilmaamay kaalinta ay ku leeyihiin horumarinka shirkadda, waxaannu sheegay in saamilayda, maamulka iyo shaqaalaha shirkadda ay ka go’an tahay raali-galinta macmiisha.
“Waxaan aad iyo aad idiinku mahadnaqayaa inaad isticmaashaan adeegyada shirkadda. Intiinan iyo inta kale ee badan, adeegga aad isticmaashaan oo ah adeeg aannu markasta korinno oo iska daba yimaad oo waxyaalaha casriga ee caalamka ku soo kordha ee tiknoolajiga aannu ku darno.”
“Shirkaddu waxay dadaal ugu jirtaa inay adeegyadda dadka gaadhsiiso oo walibana ay caalamka la tartanto oo ay heer wanaagsan iska taagto adeegga isgaadhsiinta ee aanu hayno. Adeegga aad isticmaalkiisa isticmaalaysaan annagu waxaannu keennaa, qalab baannu soo galinnaa, lacag badan baa la soo galiyaa, idinkaana isticmaala, isticmaalkaa aad isticmaashaan mahadnaq ballaadhan ayaannu idiinka soo jeedinaynaa,” ayuu yidhi Shaqalle.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay, askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland oo ku guulaystay abaal-marinta weyn ee cimrada sanadka 2017.
Askarigan oo lagu magacaabo Ayuub Cabdilaahi Jaamac Xirsi, ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaq abaal-marintan ay guddoonsiisay, waxaannu yidhi; “Abaal-marintii runtii aadka u qaaliga ahayd ee aan ku guulaystay ee shirkadda Telesom igu abaal-marisay jidkii Makka. Markaa aad iyo aad baan u salaamayaa masuuliyiintii iyo madaxda Telesom ee sida cadaaliga ah u dhacday.”
Qaar ka mid ah macmiisha shirkadda Telesom ee ka mid noqday guulaystayaasha bishii November ee barnaamijka HANO HADIYADDAADA, waxaanay Telesom ku ammaaneen adeegyada tayada leh ee hufan ee bulshadeeda ay siiso, waxay sidoo kale shirkadda Telesom uga mahadnaqeen abaal-marinta shirkaddu guddoonsiisay, iyagoo dhammaantood si gaar ah u hambalyeeyey askariga ku guulaystay abaal-marinta kowaad ee cimrada.
Shirkadda Telesom ayaa bil kasta ugu talo-gashay macmiil ka badan 50 inay guddoonsiiso abaal-marinno kala duwan oo lagu guulaysanayo Cumro iyo qalab qaali ah. Barnaanijyadan lagu bixinaayo abaalinrta ayaa kala ah: Aqoon-maal, barnaamijka Jidka Makka iyo barnaamijka Hano hadyaddaada. Barnaamijka Jidka Makka waxa ka qayb-qaadan kara qof kasta oo la xidhiidha asxaabtiisa iyo eheladiisa dibadda ku nool, waxaannu farriin gaaban oo CIMRO u dirayaa lambarka 111. Barnaamijka Hano hadyaddaada waxaa sidoo kale loogu talo-galay macmiisha internet-ka ka isticmaala mobayladooda, tablets-yadooda ama Mifi-yadooda, waxaannu farriin abaal-marin ah u dirayaan lambarka 111. Hadda macmiil tijaabi nasiibkaaga oo ka qaybqaado barnaamijyadan. Gabi ahaan farriinta lagu dirayo lambarka abaal-marintu waa bilaash.