X
    Categories: Warar

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Telesom Oo Soo Dhowaysay Go’aanka Wakiiladu Ku Jebiyeen Gidaarka Xeerka Kootadda Xadhiga Fiber Optic-ga

Hargeysa(ANN)-Shirkadda ugu weyn Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somaliland ee Telesom, ayaa si weyn usoo dhowaysay go’aanka golaha wakiiladda Somaliland maanta ku meel mariyay in meesha laga saaro xeerka kootada horre loogu xidhay xadhiga Fiber Optic-ga ee Internetka, oo wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay, kaas oo muddo dheer carqalad ku ahaa horrumarka dhinaca addeegyada isgaadhsiinta iyo Internetka, isla markaana aan waafaqsanayn Dastuurka dalka iyo xeerarka ganacsiga xorta ah.


War-saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda ugu weyn Isgaadhsiinta ee Telesom, waxa lagu boggaadiyay go’aanka gollaha wakiiladda Somaliland.


Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, waxay ku boggaadinaysaa Gollaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Tallaabada wax-ka-bedelka iyo kaabista ah ee ay ku Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland Xeer/L.r. 50/2011, isbedelkaa oo ka turjumaya mabaadiida suuqa xorta ah ee Dastuurkeenu jideeyay.”


Waxaan u aragnaa tallaabo loo qaaday dhinaca Horrumarka dhaqaalaha iyo Tignoolajiyadda Dalka, ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka shirkadda Telesom oo uu ku saxeexanyahay Eng. Abdirashiid Muuse Iimaan oo ah xubin guddida maamulka guud ee shirkadda Telesom (BOD).


Sidoo kale, shirkadda Isgaadhiinta casriga ah ee Telesom waxay uga mahad celisay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wsaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda dedaal ay sheegeen inay ugu jiraan saraynta Dastuurka sharciga iyo horrumarka dhaqaale ee Tignoolajiyadeed ee dalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post