X
    Categories: Warar

Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors Oo Keentay Somaliland Gaadiidkii Ugu Danbeeyay Ee Wersheddu Soo Saartay Sannadka 2020

Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors, ayaa sharaxaad ka bixisay Gaadiid cusub oo ay dalka keeneen, kuwaas oo ah Baabuur kuwii ugu casrisanaa ee Wershedda Hyundai soo saarto sannadkan cusub ee aynu ku jiro 2020.

Munaasibad lagu soo bandhigay gaadiidkaa oo kasoo degey Dekedda Magalaada Berbera, isla markaana lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa, ayaa lagu sharaxay ahmiyada ay bulshadda u leeyihiin gaadiidka la keenay iyo faa’idada ku jirta ee danta u ah dadka iibasanaya, iyadoo loogu bushaareeyay adeegyo cusub oo bilaash ah oo ka socda gaadiidka ay shirkaddu keentay.

Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors Eng. Cawil Saalax, 24 Jan 2020 Araweelo News Network.


Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors Eng. Cawil Saalax, ayaa sheegay in Baabuurtaa oo kasoo degtay Dekedda Magaalada Berbera ay yihiin kuwii ugu danbeeyay ee ay soo saarto Wershedda Hyundai, isagoo yidhi, “Baabuurtan waxay u badan yihiin (Four-Wheel Drive) 4WD, iyo Basas, waxayna wershedda kasoo baxeen laba bilood keliya, waxaan ugu tala-galay inay Bulshadu ka faa’idaysato, marka laga hadlayo tayada, badbaaddada iyo dhanka raaxada ee qofku dareemayo, waana Baabuur cusub oo leh Shan-sanandood oo Kafaalad ah (warranty), ilaa hadda Baabuurta cusub ee la keenay waxa suuqa-galay oo dadku iibsaden 100 Baabuur, waxaana nagaga soo noqday jawaabo wanaagsan.”

Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.


Eng. Cawil Saalax, wuxuu sheegay inay sii wadayaan, isla markaana ay gaadhsiinayaan Baabuurtaa geyiga Soomaalida oo dhan si ay uga faa’idaystaan Bulshada Soomaalidu, isagoo xusay in Dadkii durba iibsaday Baabuurta cusub ay ka heleen fariimo si weyn u dhiiri-geliyay inay keenaan Baabuur intaa ka baddan oo sida uu sheegay wax weyn ka taraya dhibaatooyinka Bulshada Soomaalida ka haysta gaadiidka aan Tayada lahayn.

Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.


Sidoo kale, Madaxa suuq-geynta ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors, Hibo Maxamed Warsame, ayaa sharaxaad ka bixisay Gaadiidka cusub ee ay dalka keeneen shirkadda Hyundai Dahabshiil Group, waxay sheegtay in Baabuurta aay keenneen aad uga duwan yihiin kuwii hore, isla markaana ay yihiin noocii ugu danbeeyay, midabadana lasoo badiyay oo ay ku jiraan midabo aan hore loo keenin.

Madaxa suuq-geynta ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors, Hibo Maxamed Warsame, 24 Jan 2020 Araweelo News Network.


Hibo Maxamed Warsame, waxay xustay in Baabuurtu mar ka wada degeen Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya iyo Dekedda Berbera ee Somaliland, isla markaana kuwa ka degey dhanka Muqdisho ay toddobaadka danbe suuqa geli doonnaan, waxayna ugu bushaaraysay Bulshada in muddo sannad ah Baabuurka qofka iibsada looga bedelayo wixii ka xumaadda, taas oo ay sheegtay inay noqonay adeeg lacag la’aan ah oo Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors usoo kordhisay, isla markaana waxay xustay inay soo kordhinayaan gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah oo noocyo kala duwan iyo wiishash, kuwaas oo ay samaysay shirkadda Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors.

Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.


Mid ka mid ah dadka gaadiidka Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors iibsaday, ayaa ka dareen celiyay waxa uu kala kulmay mudadii uu iibsaday, isagoo ka mahad-sheegtay faa’idada Baabuurta ay keentay Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors.

Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.
Gaadiidkka lagu soo daabulay xarunta guud ee Shirkadda Hyundai Dahabshiil Motors ku leedahay Magaalada Hargeysa.24 Jan 2020 Araweelo News Network.

AKHRI: Daah-furka Loogu Walqalay Munaasibad Shirkadda Dahabshiil Dalka Ku Keenayso Gaadiidka Casriga Ah Ee Hyundai Oo Madaxweynuhu Furay | Araweelo News Network

READ: Hyundai sets shop in Somaliland stamping confidence in the country’s stability

AKHRI: Wargeys Laga Leeyahay Masar Oo Warbixin Dheer Ka Qoray Aqoonsiga Somaliland Iyo Horrumarkeeda

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post