X
    Categories: Warar

Shirkadda Dubia Port World oo Faahfaahisay Heshiiska ay la Gashay Dawladda Somaliland

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee la yidhaa DP World, ayaa markii u horreysay faahfaahin ka bixisay heshiis dhinaca maalgashiga dekadaha ah oo ay la saxeexatay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Isniintii toddobaadkan.
Sida lagu baahiyey wargeyska Gulf News oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, shirkadda DP World, ayaa caddaysay inay heshiis maalgashi wadajir ah oo ay ku baxayso lacag dhan $42 milyan oo doollar la gashay Somaliland, kaasoo la xidhiidha ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera.
“Labada dhinac waxa ay kala saxeexdeen heshiis hordhac ah (a term-sheet agreement) oo ah in la sameeyo shirkad la wada leeyahay, taasoo maalgelin doonta, maamulina doonta, isla markaana u beddeli doonta dekedda Berbera inay noqoto xarun heer gobol ah oo maamusha ganacsiga iyo adeegyada casriga ah (regional and logistic hub),” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay shirkadda DP World shalay.
Waxa kaloo la sheegay in heshiiska ay kala saxeexdeen dawladda Somaliland iyo shirkadda DP Dubai World uu yahay mid aan weli lahayn sharci fulineed (non binding agreement), balse lagu dejiyey qodobadda aasaaska u ah in maalgashi lagu sameeyo dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan $42 milyan oo doollar, waxaannu maalgashigu ku tiirsanaan doonaa waxqabadka iyo adeegyada dekedda Berbera oo loo samaynayo goob xor u ah ganacsiga (free zone).
“Horumarinta lagu samaynayo dekedda Berbera waxa ay bixin doontaa marin dheeraad u ah dalka Itoobiya, kaasoo ay ugu baahan tahay kobocadeeda dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale dekeddu u adeegi doonta dalalka kale ee billaa badda ah ee ku yaal bariga qaaradda Afrika,” ayey tidhi shirkadda DP World.
Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haysa maalgashiga dekedo badan oo ku kala yaal dalalka caalamka, sida Shiinaha ilaa waddanka Baraasiil, waxa ay muddo dheer wadahadal kula jirtay dawladda Somaliland sidii ay horumarin ugu samayn lahayd dekedda Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post