X
    Categories: Warar

Shirkadda DP World oo Shaacisay in Hay’adaha Dawladda Imaaraadku Dhisayaan Jidka Berbera ku Xidhaya Itoobiya

Araweelo News Network

A local artist puts a welcome garland on DP World chairman Sultan bin Sulayem during his arrival at the presidential palace Hargeisa City, Somaliland. Pawan Singh / The National

Berbera(ANN)Shirkadda DP World ee maalgalinaysa dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa shaacisay in hay’adaha dawladda Imaaraadka Carabtu ay dhisayaan jidka Berbera Corridor ee isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.
Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa heshiis maalgalin ballaadhan ku samaynaya dekedda Berbera kula soo galay shirkadda DP World dalka Imaaraadka Carabta 9-kii bishan May.
Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan bin Sulayem oo dhawaan socdaal indho-dhayn dekedda Berbera ah ku yimi Somaliland oo markii uu dib ugu laabtay dalkiisa u warramay Wargeyska The National ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya uu muhiimad wayn leeyahay, sidaasi darteedna hay’adaha dawladda Isutagga Imaaraadku ay ka shaqayn doonaan dhismaha waddadan.
“Waxaannu raadin doonaa taageeradooda (hay’adaha dawladda Imaaraadka), waayo Somaliland waxay xaq u leedahay oo ay buuxisay shuruudaha mucaawano dibadeed oo ay ka hesho Isutagga Imaaraadka Carabta.
Maanta (xilligan) 500 gaadiidka xamuulka ah ayaa ka taga (wax ka qaada) maalin walba dekedda Berbera oo mara waddada. Haddaad kaba soo qaado celcelis ahaan in 400 baabuurta xamuulka ahi ka tagaan maalintii, hal sanno waxay noqonaysaa 146,000 gaadhi (boqol iyo lix iyo afartan kun oo gaadhi) inay wax ka qaadaan dekedda, haddaad ku darto gaadiidka soo galaya (imanaya) dekedda guud ahaan waxay noqonayaan in 300,000 (saddex boqol oo kun) oo gaadiid xamuul ahi ay ka tagaan ama soo galaan dekedda sannadkii. Sidaasi darteed, waddadu waxay ku kordhinaysaa qiimo badan,” ayuu yidhi Sultan bin Sulayem.
Waxa kaloo Guddoomiyaha shirkadda DP World uu sheegay in magaalada Diridhaba ee Itoobiya oo dawladdeedu horumarin ku samaynaysaa ay iyaguna shirkad ahaan rajaynayaan inay ka sameeyaan xarun ay dhigtaan qalabka iyo suuq qalabka warshadaha iyo adeegyada horumarinta ah. Waxaannu xusay in maalgalinta dekedda Berbera ay horumarin ballaadhan ka gaysanayso guud ahaan gobolka oo dhan oo aanay ku koobnaan oo keliya Somaliland, gaar ahaan dalka Itoobiya oo si wayn u kobcaya horumar ahaan iyo dad ahaanba, iyadoo sidoo kalena dekedda Berbera ay taageerayso dekedaha kale ee shirkaddu maamusho ee ku kala yaal Jabuuti iyo Dubai.
Heshiiska maalgashiga shirkadda DP World ku samaynayso dekedda Berbera oo qiimihiisu ku kacaya lacag dhan $442 milyan oo dollarka Maraykanka ah, taas oo lagu fulin doono casriyeynta dekedda hore, dhismaha dekeddo cusub, goob suuq ah dekeddu yeelato, soo iibinta qalab cusub iyo waxyaabo kale, waxa sida uu wargeyskan u sheegay Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil uu ka koobnaan doonaa laba weji oo ka hore ay ku bixi doonto $230 milyan oo ay ka mid tahay $62 milyan oo lagu horumarin doono dekedda hore, halka wejiga labaadna la hirgelin doono qaybo cusub oo koontiinarrada la dhigo oo ku kacaya lacag dhan $170 milyan.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post