X
    Categories: Warar

Shirkadda DAHABSHIIL oo Bilaash ka Dhigtay Lacagaha Loo Diro Dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

Shirkadda Aamiin oo Amaantay Taageerada ay ka Hesho Shirkadda DAHABSHIIL

Hargeysa(ANN)- Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil, ayaa bilaash ka dhigtay khidmada lacagaha loo dirayo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii Muqdisho ka dhacay 14-kii Bishii la soo dhaafay ee October oo ay ku dhinteen 358 qof, tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

“Waxaanu u taagan nahay inaanu saacidno dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, waxaannu taageeraynaa dadkan gacan qabashada u baahan,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Dahabshiil.

Shirkadda Dahabshiil waxay dhaqaale ugu deeqday shirkadda Gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance, oo adeeg muhiim ah ka qabata magaalada Muqdisho. Olole ka socday baraha saxaafadda bulshada oo ay bilaabeen qurba-joogga oo ay ka mid ahayd qoraa Nadiifo Maxamed, ayaa tabarucaad loogu ururiyay shirkadda Aamin Ambulance.

Aasaasaha Aamin Ambulance, Dr. Cabdiqaadir Aadan, oo 24ka saacadoodba ka dhex shaqaysa Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in adeega hooseeya ee caafimaadka Soomaaliya uu ku dhaliyay inuu bilaabo adeegan tabaruca ah ee ay shirkadiisu qabato dadweynaha.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay; “Markii aan dib ugu soo noqday Soomaaliya, waxa ka socday dagaal, dadkuna waxay dadka dhaawacma ku qaadi jireen gaadhi gacan (Kaaryoone) si ay bukaanka ugu geeyaan Cusbitaalada. Arrintaasina waxay sababi jirtay in bukaanku ku dhintaan jidka inta aan la gaadhsiin goob caafimaad.” Dr. Cabdiqaadir waxa uu tilmaamay markii uu adeega gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance uu furay ay taasi waxtartay dadkii dhaawaca ahaa. Waxaanu ku dooday shirkadoodu adeega ay qabato xiligan la aaminay.

Waxa kaloo uu amaanay waxtarka joogtada ah ee shirkadda Dahabshiil la garab taagan tahay shirkadiisa, waxaanu yidhi; “Waxa deeqaha naloo soo mariyaa shirkadda Dahabshiil, waxaanu soo celinay rajadii bulshadayada. Shirkadda Dahabshiil nama caawiso qudha ee xataa waxay bilaash nooga dhigeen khidmada lacagaha loo soo diro dadka ku waxyeeloobay qaraxyada. Mana jirto waddaniyad taas ka weyni.”

Dr. Cabdiqaadir waxa uu intaas ku daray in shirkadda Aamin Ambulance ay ka shaqeeyaan 35 qof oo iskugu jira kalkaaliye caafimaad, Dhakhaatiir iyo dirawalo ah. Sidoo kale waxa uu sheegay inay haystaan 10 Baabuur oo kuwa gurmadka ah.

Sacad Muse Abdi
Head of Advertisement
DMT Public Relation & Media

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post