X
    Categories: Warar

Shirkadda Daabacaadda ee Sagal Jet oo Xarun Cusub ka Furatay Berbera

Araweelo News Network
Berbera (ANN) Shirkadda daabacaadda xayeysiisyada iyo boodhadhka casriga ah ee Sagal Jet, ayaa xarun cusub ka furatay magaalada dekedda ah ee Berbera, xarunta Gobolka Saaxil.
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Dhallinyarada Yovenco, waxa ka qaybgalay madax kala duwan oo ka socday hay’adda dawladda ee Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, masuuliyiinta sare ee shirkadda Sagal Jet, shirkadaha ganacsiga iyo dhallinyarada magaalada Berbera, kuwaasoo ku labbisnaa astaanta Shirkadda Sagal Jet.
Mr. Cabdi Yuusuf Aar oo ku hadlay afka shirkadda Sagal Jet, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiska shirkadooda ee Berbera, isagoo xusay inay muddo dheer ku hawlanaayeen furitaanka xaruntan cusub, waxaannu u mahadnaqay dhinacyada kala duwan ee gacanta ka gaystay hawshaas.
Waxa kaloo uu ballanqaaday in shirkadda Sagal Jet u samayn doonto qiimo-dhimis iyo adeegyo casri ah oo tayo leh dadka iyo shirkadaha ganacsiga ka hawlgala magaalada Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil, waxaannu xusay in xarunta ay ka furteen Berbera diyaar u tahay inay qabato adeegyo casri ah.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ah saamilayda shirkadda Sagal Jet, isagoo ballanqaaday in shirkadoodu boqolkiiba sodon (30%) ay qiimo-dhimis u samayn doonto dadweynaha iyo ganacsatada ku dhaqan magaalada Berbera bisha ugu horreysa oo ah bishan May, waxaannu xusay inay shaqo abuur soo kordhin doonto.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballanqaaday inay qiimo macquul ah ku bixin doonaan qalabka iyo waxyaabaha daabacaadaha ee loogu dabbaal-degayo xuska maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.
Maayirka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin xarunta shirkadda Sagal Jet ka furatay magaalada Berbera, kuwaasoo xusay in magaaladu baahi weyn u qabtay adeegyada daabacaadaha ee casriga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay in Sagal Jet ka mid tahay shirkadaha ugu casrisan, uguna adeegyada wanaagsan ee ka jira dalka Somaliland, isagoo tilmaamay in arrintaasi tahay sababta dadka shacabka ah iyo ganacsataduba u aaminsan yihiin adeegyada ay bixiyaan, waxaannu ballanqaaday inay la shaqayn doonaan shirkadda Sagal Jet.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha Md. Cali Dhegoole oo gunaanadkii xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Sagal Jet tahay shirkad qiimo weyn ku leh Somaliland, isagoo dadweynaha iyo ganacsatada reer Berbera ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan adeegyada cusub, casrigana ah ee shirkaddu u keentay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post