Hargeysa(ANN)-Shirkadda Caymiska ee Somtakaful, ayaa carwada maanta ka furantay Huteelka Maansoor rr Magaalada Hargeysa, kusoo bandhigtay edeega ay bulshadda u hayaan iyo qaabka ay u shaqayso shirkadda Somtakaful , iyadoo nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto shirkaddaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi u sharaxay adeega ay qabtaan markii Madaxweynuhu furay saaka Carwadaa.

Madaxweynaha Somaliland oo markii uu booqanayay Carwada shirkadda Somtakaful ka mid noqotay shirkadihii la kulamay ee uu warbixinaha ka dhegeystay. Maansoor Hutel Hargeysa 22, Jun 2019. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Somaliland oo markii uu booqanayay Carwada shirkadda Somtakaful ka mid noqotay shirkadihii la kulamay ee uu warbixinaha ka dhegeystay. Maansoor Hutel Hargeysa 22, Jun 2019. Araweelo News Network.
Hawlwadeenada shirkadda Somtakaful
Hawlwadeenada shirkadda Somtakaful

CabdiraxmaanAxmed Cismaan oo ah Madaxa hawlgelinta ee shirkadda Somtakaful, ayaa sheegay faa’idada Caymiska iyo qaabka ay doonayaan inay shacbiga ugu adeegaan, wuxuuna ugu baaqay bulshadda inay ka faa’idaystaan adeegyada ay carwadaa kusoo bandhigeen, wuxuuna sheegay in ay Somtakaful, ay tahay shirkaddii ugu horaysay ee Bangiga dhexe ee Somaliland ka qaadata Liisan, isagoo dhinaca kalena sheegay inay ka shaqeeyaan in ka badan 100 dal oo dunida ah.

hawlwadeenada somtakaful

“Muddo shan sannadood ah ayay shirkadda Somtakaful shaqaynaysay oo ay dalka Somaliland ka shaqaynaysay, waxayna shaqooyinka ay qabanay ee ay halkan kusoo bandhigtay ka mid ah Adeega Caymiska Baddeecaddaha Badda Mara, Caymiska Caafimaadka, Caymiska shilalka Gaadiidka, Caymiska shilalka guud iyo Caymiska baddeecadaha isaga gudba gobolka, waxay dhammaan ka shaqaysaa Gobolka Geeska Afrika, waxayna ka hawlgashaa in ka badan 100 dal oo dunida ah, “ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Axmed Cismaan.

Sarkaalka hawlgelinta ee shirkadda Caymiska ee Somtakaful, waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Somtakaful, ay xidhiidh iyo wadashaqayn la leedahay Bangiyo Caalami ah oo Islamic Bank iyo sidoo kale shirakaddaha Caymiska Islaamiga ah, isla markaana wuxuu xusay inay shirkadda Somtakaful tahay shirkad ay leeyihiin muwaadiniin Somaliland ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Carwadaa kusoo bandhigeen adeega ay qabtaan, isagoo ugu baaqay Ganacsatada iyo shirkaddaha wax dhoofiya, amma baddeecadaha soo rara inay ka faa’idaystaan fursadaha Caymiska iyo adeegyada ay bixiso shirkadoodu, wuxuuna tusaale usoo qaatay shilkii khasaaraha dhaqaale dhaliyay ee dhowaan dooni u rarnayd ganacsatada Somaliland ee ka soo goosatay dhinaca Dubai, ku degtay xeebaha dalka Yemen, isagoo sheegay in haddii ay Caymis ku jiri laahayeen maanta ay dadkaa ganacsatada ah siin lahaayeen magdhaw khasaarihii soo gaadhay.

Shirkadda Caalamiga Ah Ee Caymiska Somtakaful Oo Soo Bandhigtay Adeegyada Ay Qabato Ee Bulshadu U Baahantahay.