X
    Categories: Warar

Shirkada Telesom Mar labaad Deeq Lacageed Ku Wareejisay Gudida Gurmadka Abaaraha Somaliland

Araweelo News Network

Hargaysa(ANN)Shirkada caalamiga ah ee Telesom ayaa deeqdii labaad gudoosiisay gudida abaaraha ee dhawaan uu magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Munaasibad wareejinta ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyadda Somaliland maalinimadii khamiista.
Deeqdan lacageed ayaa dhamayd $50,000 (Konton kun) oo doolar, taasi oo noqonaysa deeqdii labaad ee ay shirkada Telesom soo gaadhsiiso gudida abaaraha.
Munaasibada ay shirkada Telesom deeqdan ku gudoon siinaysay guddida abaaraha ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay maamulaha qaybta isgaadhsiinta Telesom Group Ciise Maxamuud Faarax , waxaanu faahfaahin ka bixiyay waxa ay deeqdu tahay Halkan waxaanu gudida abaaraha ku gudoonsiinaynaa markii labaad lacag cadadkeedu dhanyahay $50,000 (kontan kun) oo doolar oo aanu ugu deeqnay abaaraha dalka kajira darteed, markii aanu baaqa guddida abaaraha dhagaysanay dhibaatada taagan iyo dareenka gudidana aanu aad warkeeda uhelnay ayaanu goaansanay in aanu deeqdii labaad soo gaadhsiino gudida. Markii hore ee abaaraha la soo sheegayna waxaanu bixinay kontan kun oo doolar ($50,000) marlabaadkii oo imika ahna waaxaanu halkan ku bixinaynaa $50,000 (kontan kun ) oo doolar anagoo gobolada qaar ay dhibaatadu ka jirtana aanu si gaara aanu wax ugu bixinay oonu gacan ka gaysanay , insha Allaahu tacaalaa waxaanu rajaynaynaa oonu ilaahay ka baryaynaa in ilaahau inaga dulqaado dhibaatadaa caamka ah ee ina haysata, sidaasi waxaa yidhi maamulaha qaybta isgaadhsiinta Telesom Ciise Maxamud Faarax.
Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ah gudoomiye ku-xigeenka Guddida Gurmaddka Abaarah ayaa ka gudoomay shirkada caalamiga ah ee Telesom deeqdan isagoo shirkada Telesomna uga mahadceliyay deeqdan ay ugu deeqeen dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaanu yidhi, Telesom runtii waa lagu bartay markay arintu atkaato inay dadaal caynkaasi oo kale ah ay sameeyaan , ilaahayna wuu usikhiray, bkahaylku markuu wax bixinayo birbaa ku xidhanta oo gacanta jeebka ma gaadhsiin karo , qofka faxalka ahna ilaahaybaa ufurfura, faxal nimadii ayaa Telesom usii furfurmaysa ilaahayna haka abaaliyo, waxaa ay bixeyeena ilaahay ha siiyo ciwadkeeda oo barakaysan oo balaadhan, sidaasi waxaa yidhi Sh. Xasan Cabdisalaan.
Waxaa iyagun ka hadlay munaasibada lacagta lagu wareejinayay Sheekh Ciise Maxamuud iyo xoghayaha golaha wasiirada Somaliland Sharmaarke .
Shirkada Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa door weyn ka qaadata horumarinta arimaha bulshadda waxaanu kaalinta koowaad ka qaadataa qaadhaanadda baahiyaha bulshadda lagu wax laga qabanaayo. Guud ahaan shirkadda Telesom ayaa qaadhan abaaraha kaga qayb-qaadatay lacag dhan $110,000.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post