X
    Categories: Warar

Shirkada DP. World Ee Imaaraadka Oo Jawaab Kulul Siisay Dawladda Federaalka Ah Ee Muqdisho Oo Maalgashiga Dekedda Berbera Ka Hadashay

Araweelo News Network

A local artist puts a welcome garland on DP World chairman Sultan bin Sulayem during his arrival at the presidential palace Hargeisa City, Somaliland. Pawan Singh / The National

Dubai(ANN)-Dowladda Imaaraatka carabta, ayaa sheegtay in uu jiro cadaadis kaga imanaya dalka Djibouti iyo maamulka Muqdisho  oo ka dhan ah Heshiiska ay Shirkadda DP World la gashay Xukuumadda Somaliland ee maalgelinta Dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera ee ay maalmihii lasoo dhaafay wada galeen Xukuumadda Somaliland, Dawladda Ethiopia Iyo shirkadda DP. World. uu ahaa mid sharci darro ah.

Haseyeeshee Agaasimaha Guud ee Dp. World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, ayaa sheegay in aanay aqoonsayn hadalka dowladda Federaalka, islamarkaana aanu iyaga khusayn Heshiiska ay la galeen xukuumadda Somaliland oo ay u aqoonsanyihiin dowlad madax banaan.

“Nama khuseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruucayaga maalgelinta Dekedda Berberana wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yidhi Agaasimaha DP World oo la hadlayay Telefeshinka Dubai.

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee ‘Somaliland’ iyo dowladda Ethiopia.

Dowladda Imaaraatka Carabta waxay sheegtay in shirkadda DP World ay si madax banaan ula shaqeyneyso xukuumadda Somaliland,'”waxa kasoo baxaya dowladda dhexe waa uun hadal aan waxba tarayn si caadi ah ayaana usii wadanaynaa hawlahayaga”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Suldaan Axmed.

Shirkadda DP World ayaa khamiistii la soo dhaafay heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekedda caalamiga ah ee Berbera kula saxeexatay magaalada Dubai, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Ethiopia ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.

Dhinaca kale dowladda Imaaraatka waxay sheegtay in Maxkamad kutaal magaalada London ay ugudbisay kiiska khilaafka ka dhaxeeya dowladda djibouti, Isla markaana ay filayaan in dekadda Dooraale iyaga loo xukumo, madaxa DP World ayaa ku eedeeyay dowladda djibouti si xoog ah ay kula wareegtay dekadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post