X

Shirkada Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Group Oo Dhisma Cusub Iyo Qalabayn Ku Kordhisay Cisbitaalka Madiina

Araweelo News Network

 

Muqdsho(ANN)-Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil Group, ayaa Qalabeyn Iyo Dhisma Cusub ku samaysay Qaybta Baxnaanada Ee Cisbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabat Cabdi Maxamed Iyo Masuuliyiin Ka Socday Shirkada Caalamiga Ah Ee Dahabshiil, ayaa xadhiga ka jaray dhimahaa.

Madina Hospital rebulding By. Dahabshiil Group (Photo File Araweelo News Network)

Munaasibada xadhiga lagaga jaray, waxa masuuliyinta ka hadashay Ka mid ahaa Agaasimaha Guud Ee Cusbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf, wuxuuna u Mahad Celiyey Shirkada Dahabshiil Group, isagoo Sheegay Inay Baahi Weyn U Qaban Dhismaha Iyo Qalabeynta ay Shirkada Dahabshiil ku Sameysay Cusbitalka Madiina  Qaybta Baxnaanada

Dr Maxamed “Qaybtan waxa  noo samaysay oo nagu deeqday Shirkada Dahabshiil, waxayna qaybtan u horumarinaysaa Daryeelka Caafimaad ee aan siino Bukaaanada, waxay ka mid tahay qaybo Is daba Joog ah oo soo socda, Marka Guddoommiye waxaan u mahad celinayaa adiga Iyo Shirkada Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Group

 

Xasan Cabdi Cawad Maamulaha Guud Ee Shirkada Dahabshiil Group ee Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya, ayaa shergay Inay Shirkado Diyaar u tahay Inay mar walba Daboosho Baahiyaha ay qabaan Bulshada

Waxanu Sheegay In Qaybta Baxnaanada Ee Cusbitaalka Madiina ay iyagu shirkad ahaan Gacan weyn ka geysteen Dhisme ahaan Iyo Qalabeyn, isagoo xusay Inay hada bilaabayaan Dhismaha Keydka Dhiiga

Xasan Cabdi Cawad Waxanu Maanta Ku Wareejinayna Cusbitaalka Qaybti Xanaanada Oo Sariirihi Iyo Qalabkiiba waad Aragtaan oo wixi ay u Baahnayd loo dhamystiray, waxaana  ka go,an  Shirkada Dahabshiil Inay meelaha Umada Baahidoodo ay u jilicsantahay Inay Taageerto.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post