X
    Categories: Warar

Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Loogu Doortay Musharaxiinta Doorashada Madaxtooyadda Ee 2017

Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE

Hargeysa(ANN)Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE’, ayaa saaka ka qabsoomay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015

Shirkaa oo ahaa kii shanaad ee golaha dhexe ee Xisbga, waxa ka qaybgalay 373, ka mid ah xubnaha golaha dhexe oo kala yimi, isla makaana metelayay deegaamada Somaliland ka koobantahay.
Ka hor intii aan lagu dooran shirkaa musharaxiinta KULMIYE uga qaybgelya doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee loo qoondeeyay 3 April 2017, waxa furitaankii la xaadiriyay xubnaha golaha dhexe, kuwaas oo ay ka maqnaayeen isbahaysiga musharaxiinta ee hore u qaadacay shirkaa iyo xubno weheliya.
xubbnaha madasha fadhiyay, waxa loo soo jeediyay ka hor intii aan tartanka musharaxiinta la gelin in hoggaanka golaha dhexe xubnihii hore u ahaa dig loogu codeeyo, waxayna xubnaha golaha dhexe aqbaleen soo jeedintaa, iyadoo hoggaanka golaha dhexe cod aqlabiyad ah madasha lagaga ansixiyay, kuwaas oo la wareegay hoggaaminta shirka markii la ansixiyay.

Muuqaal Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE Mansoor Hutel 10 Nov 2015

Maaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo), ayaa qudbad shucuurta dadka soo jiidatay ka jeedyay madasha, isagoo cadeeyay in aanu ka qaybgelyan tartanka oo uu ka tanaasulay teeramkiisa labaad, balse uu go,aansaday inuu Oday u noqdo xisbuga, isla markaana tusaale u noqdo madaxda Afrika ee lagu tilmaamo inay kursiga jecelyihiin.

Shirka ayaa markaa kadib gudagalay hawsha doorashada musharaxiinta, iyadoo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo aan cidna la tartamin uu he lay aqlabiyada xubnaha golaha dhexe. Kadib markii ay u codeeyeen 344Waxa shirka ka dib la doortay Musharaxa Madaweyne iyo ku xigeenka Xisbiga Kulmiye u tartami doona madaxtinimada Doorashada soo socota ee 2017 ka.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo cod dhan 344 ka helay madasha oo aanay cidi kula tartantay,waxa diiday 14, waxaana ka aamsuay 8xubnood, iyadoo musharaxiinta u sharaxnaa xilkaa oo ahaa sadex musharax qaadaceen shirkaa inay ka qaybgalaan, taasoo sababtay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi daaqada ka qaato guusha codadka xubnaha golaha dhexe.

Hase yeeshee tartan adag, ayaa loo galay jagada Madaxweyne ku xigeenka, iyadoo ay ku tartameen Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo helay 144 cod iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo helay 230 Cod. Sidaana waxay guushu ku raacday Madaxwyene ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo noqdayna musharaxa madaxweyne ku xigeen ee ku lamaan Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, marka la gaadho doorashada Madaxtooyadda ee 2017.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post