X
    Categories: Warar

Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa(ANN)Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta. kadib kulan balaadhan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ka qayb galeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Kulanka waxa lagu go’aamiyay in   bisha soo socota ee November 10 2015, shirka golaha dhexe la qabto si loogu doorto musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga Kulmiye uga qayb gelaya marka la gaadho doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan 2017.

waxa la saadaalinayaa inuu jirayo loolan iyo xamaasad balaadhan oo la xidhiidha shirka golaha dhexe ee KULMIYE, kaas oo si weyn indhaha loogu hayo dhinacyada ku loolamaya ee siyaasada iskaga soo horjeeda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post